DEG DEG: Ciidamada Puntland Oo Howlgal Culus Ku Soo Furtay Markab Burcad Badeed Haysteen

Wararka laga helayo xeebaha Puntland ayaa sheegaya in ciidamada badda Puntland ay saaka gacanta ku dhigeen mid ka mid ah maraakiib ay haysteen kooxo burcad-badeed ah, kaddib howlgal ay ka fuliyeen xeebaha gobolka Mudug.
Saraakiil ka tirsan ciidamada badda Puntland ayaa xaqiijiyay in markabka oo lagu magacaabo MTT-SIBU1 lagu qabtay howlgal ka dhacay aagga xeebaha gobolka Mudug.
Howlgalka waxaa fuliyay ciidamada sida gaarka ah u tababaran ee Puntland Maritime Police Force (PMPF), kuwaas oo maalmihii lasoo dhaafay howlgallo ka waday badda iyo xeebaha Puntland.
Sida ay sheegeen saraakiisha, ciidamada ayaa ku guuleystay inay markabka kala wareegaan kooxihii burcad-badeedda ahaa, iyadoo sidoo kale la soo badbaadiyay shaqaalaha saarnaa markabka.
Wararka hordhaca ah ayaa intaas ku daraya in howlgalka ay khasaare dhimasho iyo dhaawac ah kala kulmeen kooxihii markabka qafaashay, balse tirada iyo xaaladda dadka wax ku noqday weli si rasmi ah looma xaqiijin.
Faahfaahin dheeraad ah oo ku saabsan howlgalka, xaaladda shaqaalaha markabka iyo halka lagu wareejinayo markabka ayaa la filayaa inay soo baxaan saacadaha soo socda.
Banaadir24 Online ayaa idiin soo gudbin doonta wixii faahfaahin ah ee kasoo kordha.









