LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasiir ka tirsan Xukuumadda Xamse oo weerar Afka ah ku qaaday mucaaradka

Wasiirka Dekadaha iyo Gaadiidka Badda ee Dowladda Federaalka Soomaaliya, Abdulkadir Mohamed Nur, ayaa qoraal adag oo hadal-heyn badan dhaliyay ku daabacay bartiisa Facebook, kaas oo uu si toos ah ugu weeraray siyaasiyiinta mucaaridka ah ee ka cabanaya isbaarooyinka iyo koontaroollada ammaanka ee laga sameeyay magaalada Muqdisho.

Wasiirka ayaa sheegay in tallaabooyinka adag ee amniga lagu xaqiijinayo caasimadda ay muhiim u yihiin badbaadada shacabka iyo xasilloonida magaalada, isagoo mucaaridka ku eedeeyay inay si joogto ah u dhaliilaan ciidamada ammaanka iyo howlaha lagu sugayo amniga Muqdisho.

Qoraalka wasiirka oo si weyn loogu faafiyay baraha bulshada ayuu ku yiri:

“Ilma adeerayaalow, madasha calaacalkaay, maadaama aad ka cabateen checkpoints-ka amniga caasimadda lagu sugaayo, waxaad u guurtaan daafaha Dayniile, Suuqa Xoolaha iyo Gubadleey, iyagaa idiin sahlane.”

Wasiirka ayaa hadalkiisa sii raaciyay in haddii ay mucaaridka ku adkaato la qabsiga koontaroollada amniga, ay dowladda kala hadli karaan hay’adaha ammaanka sidii looga qaadi lahaa qaar ka mid ah goobaha koontaroollada sida Danwadaagta, KM4 iyo waddada aadda garoonka diyaaradaha Aadan Cadde.

Sidoo kale, wuxuu si jees-jees ah u sheegay in xaafadaha Muqdisho ay “u raqiisnaan lahaayeen” haddii siyaasiyiinta mucaaridka ay magaalada ka guuraan, isagoo xusay in qaar Nairobi ku shir tagaan halka kuwo kalena “Istanbul kasoo duubtaan muuqaallo iyagoo shuwaarmo cunaya”.

Wasiirka ayaa difaacay ciidamada ammaanka ee habeen iyo maalin u taagan sugidda amniga caasimadda, isagoo tilmaamay in askartaasi naftooda u huraan sidii looga hortagi lahaa qaraxyada iyo weerarada ay fuliyaan kooxaha amni darrada wada.

“Amniga aad maanta Muqdisho ugu damaashaadeysaan waxaa dhaliyay wiilasha qaraxyada isku dhiga ee checkpoints-ka taagan 24-ka saac si ay amnigiina u sugaan,” ayuu yiri wasiirku.

Wasiir Jaamac ayaa kamid ah Wasiirada daacada u ah Dowladda Madaxweyne Xasan Sheekh, isaga oo fagaarayaasha ka aflagaadeeya mucaaradka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *