Xasan Sheekh oo Qaramada Midoobay miiska u saaray shuruudo cusub

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in Soomaaliya aysan doonayn in Qaramada Midoobay ay ka baxdo dalka, balse ay muhiim tahay in dib loo habeeyo qaabka ay labada dhinac u wada shaqeeyaan.
Madaxweynaha ayaa hadalkan ka sheegay khudbad uu ka jeediyay Kalfadhiga 81-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay ee magaalada New York, isagoo xusay in Soomaaliya ay weli qiimeyneyso taageerada caalamiga ah ee ay Qaramada Midoobay siiso dalka.
Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay doonayso in hay’adaha dowladda ay door hoggaamineed ku yeeshaan fulinta mashaariicda gargaarka iyo horumarinta, halkii laga abuuri lahaa nidaamyo barbar socda hay’adaha qaranka.
Wuxuu tilmaamay in qayb weyn oo ka mid ah gargaarka iyo mashaariicda horumarineed lagu fuliyo habab ka baxsan miisaaniyadda iyo hay’adaha dowladda, taas oo sida uu sheegay adkeynaysa qorsheynta, isku-duwidda iyo qiimeynta saameynta mashaariicda dalka ka socda.
“Ma dalbanayno in Qaramada Midoobay ay baxdo,” ayuu yiri Xasan Sheekh, isagoo ku baaqay iskaashi ku dhisan isla-xisaabtan, qorshe istiraatiiji ah iyo natiijooyin la cabbiri karo.
Dhanka kale, Xasan Sheekh wuxuu khudbaddiisa ku sheegay in Soomaaliya ay taageereyso dib-u-habeyn lagu sameeyo Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay, isagoo ku baaqay in Afrika ay hesho matalaad ka weyn tan ay hadda ku leedahay Golaha Ammaanka.
Hadalkan ayaa ku soo beegmaya xilli Qaramada Midoobay ay weli taageero ka siiso Soomaaliya dhinacyada amniga, xasilinta iyo dhismaha awoodda hay’adaha dowladda, iyadoo UNSOS ay taageero farsamo iyo saadka ah siiso howlgalka AUSSOM.
Banaadir24 Online









