LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda Federaalka oo lacagaha ka jareysa qoysaska askartii u geeriyootay difaaca dalka

Warar laga helayo ilo xog-ogaal ah ayaa sheegaya in dowladda Federaalka Soomaaliya ay bilowday tallaabooyin dhaqaale oo saameynaya xuquuqda lacageed ee qiyaastii 6,000 qof, oo isugu jira askar howlgab ah, askar naafo ah iyo carruurtii ay ka tageen askartii ku geeriyootay howlgallada dalka.

Sida xogta la helayo tilmaamayso, qaar ka mid ah dadkaas ayaa lagu wargeliyay in lacagihii ay horey u heli jireen lagu sameeyay dhimis gaareysa 50%, iyadoo arrintan lagu sababeeyay ciriiri dhaqaale oo soo food saaray dowladda Federaalka.

Hay’adda Naafada iyo Agoonta Ciidanka ayaa si rasmi ah uga mid ah hay’adaha ku jira miisaaniyadda dowladda Federaalka Soomaaliya. Warbixinno miisaaniyadeed oo dowladda ah ayaa muujinaya qoondo gaar ah oo loo qoondeeyay hay’adda, taasoo muujinaysa in taageerada dadkaasi ay qayb ka tahay nidaamka maaliyadeed ee dowladda.

Ilo xog-ogaal ah ayaa sidoo kale sheegaya in dowladda ay wajahdo cadaadis dhaqaale oo saameynaya bixinta mushaharrada iyo kharashaadka ciidamada, iyadoo la sheegay in qorshe tashiil ah lagu sameynayo qaybo ka mid ah kharashaadka dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qorshaha dhimista uusan ku ekaan doonin askarta howlgabka ah, dadka naafada ah iyo agoonta ciidanka, balse ay jiraan walaacyo ku saabsan mushaharrada saraakiisha ciidamada, kuwaas oo la sheegay in qaar ka mid ah laga jari karo in ka badan 40%, iyadoo dhimistu xaaladaha qaarkood gaari karto ilaa 60%.

Arrintan ayaa dhalisay walaac xooggan, gaar ahaan haddii la xaqiijiyo in dadka naafada ah iyo agoonta askarta ku dhimatay difaaca dalka ay noqdeen kuwa ugu horreeya ee ay saameeyaan tallaabooyinka dowladda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *