Maxaabiis Burcad-badeednimo loo soo qabtay oo ka baxsaday ciidamada Puntland & Qaar la dilay
Wararka ka imaanaya gobolka Mudug ayaa sheegaya in 13 maxbuus oo looga shakisan yahay burcad-badeednimo ay ka baxsadeen gacanta ciidamada ammaanka Puntland xilli loo waday magaalada Garoowe.
Sida ay sheegeen ilo deegaanka ah, maxaabiista ayaa laga soo qaaday deegaanka xeebta ah ee Garacad, waxaana loo waday caasimadda Puntland ee Garoowe, balse intii ay ciidamada ku guda jireen gaadiidintooda ayaa la sheegay in qaar ka mid ah maxaabiista ay isku dayeen inay baxsadaan.
Dhacdada ayaa sababtay hal maxbuus inuu dhinto, halka laba kale ay dhaawacmeen, mid ka mid ah dhaawacyadiisana lagu sheegay mid halis ah.
Ilaa hadda ma cadda sida saxda ah ee maxaabiistu uga baxsadeen gacanta ciidamada, sidoo kale lama xaqiijin in wax dhaawac ah ay gaareen ciidamada ammaanka ee galbinayay maxaabiista.
Maamulka Puntland ayaan weli si rasmi ah uga hadlin dhacdadan, mana jirto war rasmi ah oo faahfaahinaya sababta keentay dhimashada, dhaawacyada iyo baxsashada maxaabiista.
Dhacdadan ayaa kusoo beegmaysa xilli ciidamada ammaanka Puntland ay howlgallo ka wadaan deegaanada xeebaha iyo gudaha gobolka Mudug, gaar ahaan la dagaallanka kooxaha burcad-badeedda iyo kooxaha kale ee hubeysan.









