Ciidanka NISA oo jab culus gaarsiiyay Al-Shabaab & 12 oo hal goob…

Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan ka fuliyay tuulada Bur Saruur, oo qiyaastii 2 KM koonfur-bari kaga beegan deegaanka Cali-Gaduud ee Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Howlgalka ayaa si gaar ah loogu bartilmaameedsaday goob ay isku uruursanayeen maleeshiyaad ka tirsan kooxda Khawaarijta, iyadoo ciidamada ay weerarka ku qaadeen goobtaasi xilli ay halkaas ku sugnaayeen xubno ka tirsan maleeshiyaadka.
Sida lagu sheegay warbixinta, howlgalka ayaa lagu dilay 12 xubnood oo ka tirsanaa Khawaarijta, iyadoo sidoo kale lagu burburiyay agab ciidan iyo goobo ay maleeshiyaadku gabaad iyo fariisimo ka dhiganayeen.
Ciidamada NISA iyo saaxiibada caalamka ayaa howlgalka u fuliyay si qorsheysan, waxaana la sheegay in bartilmaameedkii howlgalka si weyn loo wiiqay.
Dhanka kale, ciidamada ayaa sii wada howlgallada ka dhanka ah maleeshiyaadka firxadka ah ee ka baxsaday goobta, iyadoo lagu raad-joogo haraadiga kooxda ee ku dhuumaaleysanaya deegaanada ku dhow Bur Saruur iyo Cali-Gaduud.
Howlgalkan ayaa kusoo aadaya xilli ciidamada dowladda iyo kuwa deegaanka ay howlgallo ka dhan ah Khawaarijta ka wadaan qeybo ka mid ah Gobolka Shabeellaha Dhexe.
Banaadir24 Online









