LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Sweden oo Tallaabo Adag Qaadday & DFS oo Lagu Qasbayo Inay Qaadato Muwaadiniinteeda

Dowladda Sweden ayaa ansixisay istaraatiijiyad cusub oo gargaarka ah oo ku wajahan Soomaaliya, taas oo si cad loogu talagalay in lagu yareeyo socdaalka ku wajahan Sweden isla markaana lagu cadaadiyo Soomaaliya inay dib u qaadato muwaadiniinteeda dalkaas u jooga sida sharci darrada ah.

Wasiirka Iskaashiga Horumarinta iyo Ganacsiga Dibadda ee Sweden, Benjamin Dousa, ayaa u sheegay wargeyska Expressen in Soomaaliya laga filayo inay dib u qaadato muwaadiniinteeda aan haysan sharci ay ku sii joogaan Sweden, isla markaana ay si firfircoon uga hortagto socdaalka sharci darrada ah ee ku wajahan Sweden iyo guud ahaan Yurub.

Istaraatiijiyaddan cusub ee iskaashiga horumarineed ee Sweden la leedahay Soomaaliya ayaa daboolaysa muddada u dhexeysa 2026 illaa 2028, iyadoo loogu talagalay miisaaniyad dhan 630 milyan oo karoon oo Swedish ah (SEK).

Qorshahan ayaa sidoo kale muujinaya in si dhow la iskugu xiri doono siyaasadaha gargaarka iyo kuwa socdaalka. Soomaaliya ayaa la filayaa inay xoojiso hay’adaha dowliga ah iyo nidaamka dimuqraadiyadeed, kor u qaaddo awoodda ay kula tacaalayso isbeddelka cimilada, isla markaana hagaajiso xaaladaha suuragelinaya in muwaadiniinteeda dib loogu soo celiyo dalka.

Tallaabadan ayaa qeyb ka ah dadaallada Sweden ay ku doonayso inay si adag ugu maareyso arrimaha socdaalka, iyadoo la adeegsanayo siyaasad isku dhafan oo gargaar iyo dib-u-celinta muwaadiniinta ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *