DEG DEG: Dowladda Federaalka oo shaacisay maalinta uu dalka soo gaarayo Markabka qodaya Shidaalka

Wasiirka Dekedaha Xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa ka hadlay goorta uu Markabka Cagri Bey ee bilaabaya qodista shidaalka Soomaaliya uu imaanayo dalka.
Wasiir Jaamaac ayaa qoraal uusoo dhigay bartiisa Facebook ku xaqiijiyay in markabka uu leeyahay Turkiga ee Cagri Bey uu imaanayo Soomaaliya maalinta Jimcaha.
“Horey u soco, Çağrı Bey! Badaha waa goobtaada, jidka rajaduna fur!”
Hadduu Alle idmo, markabkan weyn ee qodista shidaalka oo ka mid ah kuwa ugu waaweyn dunida, wuxuu Jimcaha iman doonaa Soomaaliya.
Waxaan Alle ka baryaynaa in hawlaha laga qabanayo biyaha Soomaaliya ay noqdaan kuwo khayr iyo barwaaqo u keena shacabka Soomaaliyeed, shacabka Turkiga, iyo guud ahaan dunidaba.
Anagu dadaalka ayaan bixnaa, guusha iyo bushaaraduna Alle ayaa baxsha”,
Qodista shidaalka Soomaaliya ayaa la filayaa inay bilaabayo bishaan April dhexdeeda sida ay dhawaan shaacisay dowladda Turkiga, iyadoo talaabadaan ay Soomaaliya u horseedi doonto guul weyn inkasta oo laga cabsi qabo dhaqaalaha laga sameeyo shidaalka inay ku dhacaan jeebabka masuuliyiin waaweyn islamarkaana si weyn loo musuq maasuqo.









