DUNIDAWARARKA

Mareykanka iyo Iran oo Heshiis Lama Filaan ah Gaaray, Trump oo Ka Baxay Waddadii Dagaalka

Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa dib uga laabtay hanjabaadihii uu ku doonayay inuu ku qaado weerarro culus oo ka dhan ah Iran habeenkii Talaadada, isaga oo qaaday tallaabo lagu dejinayo xiisadda dagaalka wax ka yar laba saacadood ka hor waqtigii kama dambaysta ahaa ee uu u qabtay Tehran inay oggolaato heshiis.

Trump ayaa sheegay inuu hakiyay qorshihii uu ku beegsan lahaa buundooyinka iyo xarumaha korontada ee Iran, kaddib markii Mareykanka iyo Iran ay ku heshiiyeen xabbad-joojin laba toddobaad ah, taas oo sidoo kale ku jirto dib u furista marin biyoodka muhiimka ah ee Hormuz.

Golaha Ammaanka Qaranka ee Sare ee Iran ayaa sheegay inuu aqbalay xabbad-joojinta, isla markaana wada hadallo uu la yeelan doono Mareykanka ay ka bilaaban doonaan magaalada Islamabad maalinta Jimcaha. Si kastaba ha ahaatee, labada dhinac midkoodna ma shaacin waqtiga rasmiga ah ee xabbad-joojintu bilaabaneyso, iyadoo weerarro la soo sheegay inay ka dhaceen Israel, Iran iyo guud ahaan gobolka Khaliijka subaxnimadii Arbacada.

Dhinaca kale, Israel ayaa iyaduna oggolaatay heshiiska xabbad-joojinta, sida uu sheegay sarkaal ka tirsan Aqalka Cad oo codsaday inaan magaciisa la shaacin. Heshiiska ayaa sidoo kale dhigaya in Israel iyo ururka Hezbollah ay joojiyaan dagaalka ka socda Lubnaan, sida uu xaqiijiyay Ra’iisul Wasaaraha Pakistan oo dhexdhexaadinayay wadahadallada.

Qorshaha xabbad-joojinta ee 10-ka qodob ka kooban ee Iran ay soo bandhigtay, oo lagu daabacay afka Faarisiga, ayaa lagu daray erayga “aqbalidda kobcinta ee barnaamijkeeda nukliyeerka. Hase yeeshee, eraygaas ayaa ka maqnaa nuqullada Ingiriisiga ah ee ay diblomaasiyiinta Iran la wadaageen warbaahinta, arrin aan weli la caddeyn sababteeda.

Markii hore, Trump wuxuu sheegay in Iran ay soo bandhigtay qorshe “laga shaqeyn karo” oo 10 qodob ah oo gacan ka geysan kara soo afjaridda dagaalka uu Mareykanka iyo Israel bilaabeen bishii Febraayo. Balse mar dambe ayuu ku tilmaamay qorshahaas mid khiyaano ah, isaga oo aan faahfaahin dheeraad ah bixin. Trump ayaa hore u sheegay in gebi ahaanba la soo afjaro barnaamijka nukliyeerka Iran ay tahay qodobka ugu muhiimsan ee dagaalka.

Dhanka kale, Wasiirka Arrimaha Dibadda Iran Abbas Araghchi ayaa sheegay in maraakiibta ay mari karaan marinka Hormuz iyadoo ay maamulayaan ciidamada milatariga Iran, inkasta oo aan si cad loo ogeyn in tani ay ka dhigan tahay in si buuxda loo dabcinayo xannibaadda marin biyoodkaas.

Qorshahan ayaa sidoo kale oggolaanaya in Iran iyo Cumaan ay qaadaan khidmadaha maraakiibta isticmaasha marinka, sida uu sheegay sarkaal goboleed oo ku lug lahaa wadahadallada. Lacagtaasi, sida la sheegay, Iran waxay u adeegsan doontaa dib u dhiska dalka.

Shuruudaha Iran ee lagu soo afjarayo dagaalka waxaa kale oo ka mid ah in ciidamada Mareykanka laga saaro gobolka, cunaqabateynta laga qaado, iyo in la sii daayo hantida Iran ee la xayiray.

Tan iyo markii uu dagaalku billowday, Trump ayaa dhowr jeer dib u dhigay waqtiyada kama dambaysta ah ee uu dejiyay, xilli ay ku dhowdahay inay dhacaan, taasoo muujineysa isbeddel joogto ah oo ku yimaada istiraatiijiyaddiisa siyaasadeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *