LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Guddoomiye Aadan Madoobe oo la kulmay Culimada Koonfur Galbeed

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa kulan la qaatay culimaa’udiinka deegaanada Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, waxaana kulanka looga hadlay kaalinta culimada ee dowlad-dhiska, xasillinta bulshada, iyo horumarinta Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Culimadii kulanka ka qeyb gashay oo ugu horreyn soo dhoweeyey isbedelka ka dhacay Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa taageeray dadaalada dowladda ee ku aaddan dhismaha maamul hufan oo ay ku qanacsanyihiin bulshada deegaanada Koonfur Galbeed, waxayna sidoo kale caddeeyeen inay diyaar u yihiin inay garab istaagaan dowladda, si loo xaqiijiyo midnimo, nabad, iyo horumar waara.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) oo culimada ku amaanay doorkooda dhinaca dowlad dhiska ayaa waxa uu kula dardaarmay inay sii laba jibbaaraan dadaalladooda ku aaddan wacyigelinta bulshada, xoojinta nabadda iyo sidoo kale ka qeyb qaadashada horumarinta hanaanka maamul ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Golaha Shacabka ee Baarlamaanka dalka ayaa carabka ku adkeeyey muhiimadda ay leedahay in si wadajir ah loo gaarsiiyo dhammaan shacabka ku nool deegaanada Koonfur Galbeed adeegyada dowladnimo ee ay xaqa u leeyihiin, si loo helo bulsho isku duuban, horumarsan, isla markaana ku dhisan cadaalad iyo wadajir.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *