Rag lagu eedeeyay dilka wiil dhallinyaro ahaa oo gacanta lagu dhigay

Wararka maanta laga helayo magaalada Muqdisho ayaa waxay sheegayaan in ciidamada Booliiska ay gacanta kusoo dhigeen rag magaalada ka geystay dilal iyo dhac.
Ciidamada Booliiska degmada Hodan ayaa soo qabtay saddex eedeysane oo lagu eedeeyay inay habeen kahor dhac iyo dil degmada Hodan gaar ahaan Xaafada Zoona Keey ugu geysteen wiil dhallinyaro ahaa oo lagu magacaabi jiray Xuseen Guure kaasoo ay dileen kadibna ka qaateen Taleefan Iphone ah uu watay marxuumka xilli labadii habeenimo uu kasoo laabtay shaqo una socday hooygiisa.
Wararka ayaa waxay sheegayaan in eedeysanayaasha markii la qabtay ay wateen taleefankii marxuumka ay ka qaateen taasoo noqotay caddeynta inay iyagu ahaayeen raggii dil u geystay marxuum Xuseen Guure.
Raggan ay iminka gacanta hayaan ciidamada ammaanka ayaa lagu eedeeyay inay dhibaato ku hayeen dadka shacabka ah ee degmada Hodan iyadoo laamaha ammaanka ay baaritaan ku wadaan maadaama ay jiraan dilal noocaan oo kale oo horey uga dhacay degmada kuwaas oo loo geystay dad shacabkaas oo badankood loo dilay taleefanada gacanta dartood.









