LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Maamulka Laftagareen oo u jawaabay DFS kadib markii lagu eedeeyay inay Al-Shabaab xiriir la leeyihiin

Xiisad siyaasadeed iyo mid militari ayaa cirka isku shareertay kaddib markii Dowladda Federaalka Soomaaliya ay maanta sheegtay inay dagaal kula jirto kooxo argagixiso ah iyo ciidamo ay ku eedeysay inay ka amar qaataan Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo sida ay dowladda sheegtay iskaashi yeeshay.

Warsaxaafadeed kasoo baxay dowladda ayaa lagu sheegay in howlgaladii ka dhacay duleedka Baydhabo lagu beegsaday maleeshiyaad garab siinayay Khawaarijta Al-Shabaab, iyadoo DFS ay ku adkeysatay in kooxahaasi khatar ku yihiin amniga iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Dhanka kale, Madaxtooyada Koonfur Galbeed ayaa si adag u beenisay eedeymahaasi, waxayna sheegtay in ciidamadooda ay yihiin kuwo sharciyad ku dhisan oo u taagan difaaca maamulka iyo shacabka deegaanka. Warsaxaafadeed ay soo saareen ayay ku sheegeen inaysan jirin wax xiriir ah oo kala dhexeeya kooxaha argagixisada.

Sidoo kale maamulka Koonfur Galbeed ayaa ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay awood ciidan u adeegsatay arrimo siyaasadeed, iyagoo sheegay in ciidamada dowladda loo isticmaalay “afgambi militari” oo lagu qabsaday magaalada Baydhabo laguna farageliyay talada maamulka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *