LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Dowladda oo ciidanka Laftagareen ku eedeysay inay ku milmeen Al-Shabaab weerar culusna ku qaaday iyo 50…

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa xalay howlgal qorsheysan ka fuliyay duleedka magaalada Baydhabo, kaddib weerar gaadmo ah oo shalay subax ay kooxo nabad-diid ah iyo maleeshiyaad argagixiso oo wada socday ay kusoo qaadeen ciidan ku howlanaa sugidda amniga.

Howlgalka ayaa lagu dilay 50 xubnood oo isugu jiray Khawaarijta Al-Shabaab iyo maleeshiyaad hubeysan oo garab siinayay. Ciidanka ayaa sidoo kale burburiyay gaadiid dagaal iyo agab ciidan oo ay kooxuhu u adeegsanayeen abaabulka weerarro ka dhan ah Ciidanka Qaranka iyo shacabka Soomaaliyeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga waxay caddeyneysaa in weerarkii gaadmada ahaa ay ku lug lahaayeen maleeshiyaad taabacsan Cabdicasiis Laftagareen, kuwaas oo si toos ah ugu milmay Khawaarijta Al-Shabaab. Sheegashada weerarka ee Khawaarijta ayaa muujinaysa in maleeshiyaadkaas ay noqdeen garab u adeegaya argagixisada, isla markaana khatar ku ah amniga qaranka iyo xasilloonida deegaannada Koonfur Galbeed.

Wasaaradda Gaashaandhigga XFS waxay tacsi u direysaa ehellada, qoysaska iyo guud ahaan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee ay ka shahiideen geesiyaashii naftooda u huray difaaca qaranka intii uu socday weerarkii shalay.

Dowladdu waxay xaqiijineysaa in aysan marnaba u dulqaadan doonin cid kasta oo hub ama maleeshiyaad u adeegsata dano siyaasadeed, carqaladeynta amniga iyo in cid kasta oo gacan siisa Khawaarijta ama u noqota weji ay ku dhuuntaan laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *