LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynihii Hore Farmaajo Oo Baaq U Diray Siyaasiyiinta Iyo Ciidamada

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa war-saxaafadeed uu maanta soo saaray ku sheegay in dalka uu galay marxalad siyaasadeed iyo mid dastuuri ah, kaddib dhammaadka muddooyinka dastuuriga ah ee hay’adaha dowladda Federaalka.

Farmaajo ayaa ugu baaqay madaxda siyaasadda, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed in la ilaaliyo midnimada iyo dowladnimada dalka, islamarkaana laga wada shaqeeyo sidii looga bixi lahaa xaaladda cakiran ee taagan.

Wuxuu carrabka ku adkeeyay in xukuumadda hadda jirta ay ku ekaato xil-gaarsiinta, isla markaana laga fogaado go’aanno waaweyn oo saameyn kara mustaqbalka siyaasadeed ee dalka, ilaa laga gaarayo heshiis siyaasadeed oo loo dhan yahay.

Sidoo kale, Farmaajo ayaa ciidamada qalabka sida ugu baaqay inay ka dheeraadaan arrimaha siyaasadda, ayna xoogga saaraan waajibaadkooda ku aaddan difaaca dalka, sugidda amniga iyo ilaalinta dowladnimada.

Ugu dambeyn, wuxuu shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay deganaansho, tanaasul iyo ilaalinta sharciga si looga gudbo marxaladda adag ee uu dalku wajahayo.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *