Villa Somalia Oo Ka Argagaxday Dhaqdhaqaaqyada Cusub Ee Dalalka Gobolka

Qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya ayaa bilaabay inay dib u eegaan xiriirka siyaasadeed iyo wada shaqeynta ay la leeyihiin Dowladda Federaalka, iyadoo ilo diblomaasiyadeed ay sheegayaan in qaar kamid ah dowladahaasi ay hadda u arkaan xukuumadda Villa Soomaaliya mid gashay marxalad xilgaarsiin ah kadib dhammaadka muddo xileedkeeda.
Wararka ayaa sheegaya in dowlado gobolka ah ay walaac weyn ka muujiyeen jahawareerka siyaasadeed ee Soomaaliya iyo saameynta uu ku yeelan karo ammaanka Geeska Afrika, iyagoo bilaabay dhaq dhaqaaqyo diblomaasiyadeed oo arrintan lagu xallinayo.
Kulamo dhowaan ka dhacay Washington oo ay yeesheen mas’uuliyiin Mareykan ah iyo wasiirro ka socday dalalka deriska ayaa la xaqiijiyey in si qoto dheer looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee Soomaaliya iyo khilaafka ka dhashay arrimaha doorashooyinka iyo sharciyadda dowladda hadda jirta.
Sidoo kale, dalal kamid ah gobolka ayaa la sheegay inay xulafadooda caalamiga ah ku booriyeen in Soomaaliya lagu cadaadiyo heshiis siyaasadeed oo deg deg ah si looga hortago xaalad amni iyo mid siyaasadeed oo sii xumaata.
Tallaabooyinkan diblomaasiyadeed ayaa loo arkaa cadaadis cusub oo kusoo kordhay dowladda Federaalka, iyadoo suuragal ay tahay in fagaarayaasha caalamiga ah lagu sii adkeeyo doodda ku saabsan sharciyadda hay’adaha waqtigoodu dhammaaday.









