Ciidamada Danab oo Howlgallo Qorsheysan Ka Fuliyay Shabeellaha Hoose, Fariisimo Al-Shabaab Oo Lagu Burburiyay

Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed, gaar ahaan Kumaandooska Danab ee sida gaarka ah u tababaran, ayaa howlgallo qorsheysan ka fuliyay deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalladan ayaa lagu beegsaday goobo ay Al-Shabaab dadka shacabka ah uga qaadi jireen lacago baad ah iyo xarumo ay kooxdaasi u adeegsan jirtay abaabul iyo gabaad.
Ururka 161-aad ee Guutada 16-aad Danab ayaa howlgalka ka sameeyay deegaannada Warmaxan, Tasxiille, Shareey, 10-Buundo, Tabeellaha iyo aagga Donka, halkaas oo la sheegay in lagu burburiyay fariisimo iyo meelo muhiim u ahaa kooxda.
Saraakiishii hoggaaminaysay howlgalka ayaa sheegay in ciidamada ay si guul leh u fuliyeen qorshahooda, ayna sii wadi doonaan howlgallada lagu baacsanayo kooxda Al-Shabaab ee ku sugan qeybo kamid ah gobolka.
Howlgalkan ayaa qeyb ka ah dadaallada sii xoogeysanaya ee Ciidamada Xoogga Dalka ay ku ciribtirayaan Al-Shabaab isla markaana lagu sugayo amniga shacabka Soomaaliyeed.










