Baydhabo Oo Qarka U Saaran Dagaal Cusub Iyo Ciidamada Laftagareen Oo…

Xiisadda siyaasadeed iyo amni ee ka taagan magaalada Baydhabo ayaa sii xoogeysaneysa, kadib markii masuuliyiin sare oo ka tirsan maamulka Koonfur Galbeed ee taageersan Cabdicasiis Laftagareen ay booqdeen xeryo ciidan oo ku yaalla duleedka magaalada.
Wafdiga ayaa waxaa hoggaaminayay Wasiirka Amniga Xasan Cabdiqaadir, waxaana qeyb ka ahaa afhayeenka maamulka Ugaas Xasan, Janaraal Aamiin Maxamed Cismaan, Malaaq Shanla Gaab iyo saraakiil kale oo sare.
Masuuliyiinta ayaa sheegay in booqashadu ay ahayd mid lagu qiimeynayay heerka diyaargarowga ciidamada isla markaana lagu dhiirrigelinayay ciidamada ku sugan furimaha hore.
Wararka la helayo ayaa tilmaamaya in ciidamada taabacsan Laftagareen ay wadaan abaabul iyo diyaargarow la xiriira suuragalnimada dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo ku wajahan magaalada Baydhabo, halkaas oo ay hadda ku sugan yihiin ciidamo taageersan Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Arrintaan ayaa imaaneysa xilli ay sii kordhayaan murannada siyaasadeed iyo loollanka awoodda ee ka dhex jira dhinacyada isku haya maamulka Koonfur Galbeed. Labada dhinac ayaa weli isku haya sharciyadda maamulka iyo gacan ku haynta xarumaha muhiimka ah ee gobolka.
Dadka deegaanka iyo falanqeeyayaasha arrimaha amniga ayaa ka digaya in xiisaddu isu beddeli karto iska horimaad cusub haddii aan xal siyaasadeed laga gaarin khilaafka taagan.









