XOG CUSUB: Turkiga Oo Bilaabay Qorshaha Lagu Kulminayo Xasan Sheekh iyo Hoggaanka Mucaaradka.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in xubno ka tirsan Sirdoonka Turkiga oo maalmihii lasoo dhaafay ku sugnaa magaalada Muqdisho ay maanta markale kulan gaar ah la yeelan doonaan qaar kamid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka Soomaaliya.
Kulankan ayaa imanaya kadib wada-hadallo ay wafdiga Turkigu la yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo masuuliyiin ka tirsan Dowladda Federaalka, kuwaas oo diiradda lagu saaray xaaladda siyaasadeed ee dalka iyo arrimaha la xiriira doorashooyinka.
Ilo xog-ogaal ah ayaa tilmaamaya in kulanka saacadaha soo socda la filayo uu Turkigu mucaaradka kula wadaagi doono natiijada iyo aragtiyihii kasoo baxay kulamadii ay la yeesheen madaxda Dowladda Federaalka Soomaaliya.
Diblomaasiyiinta iyo siyaasiyiinta falanqeeya arrimaha Soomaaliya ayaa aaminsan in dadaalladan dhex-dhexaadinta ah ay furi karaan waddo horseedda wada-hadal toos ah oo u dhexeeya Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo madaxda mucaaradka, iyadoo ajandaha ugu weyn uu noqonayo hannaanka doorashooyinka iyo mustaqbalka geeddi-socodka siyaasadeed ee dalka.
Ilaa iyo hadda ma jirto war rasmi ah oo kasoo baxay Dowladda Federaalka Soomaaliya, mucaaradka ama dowladda Turkiga oo ku saabsan nuxurka kulamadan iyo qodobada la isku afgartay.









