LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Siyaasi digniin culus kasoo saaray qorshaha dowladda federaalka ee Koonfur Galbeed

Wasiirkii hore ee Maaliyadda Soomaaliya, Maxamed Aadan Fargeeti, oo haatan kamid ah siyaasiyiinta mucaaradka, ayaa digniin adag ka soo saaray qorshe la sheegay in Dowladda Federaalka ay ku doonayso hirgelinta nidaamka doorashada qof iyo cod ee Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed.

Qoraal uu ku baahiyay baraha bulshada ayuu Fargeeti ku sheegay in habka doorashada la qorsheynayo uu yahay mid aan waafaqsaneyn dastuurka, isla markaana aan lagu dhisin is-afgarad siyaasadeed oo ballaaran. Wuxuu ku eedeeyay Dowladda Federaalka inay isku dayeyso inay si toos ah u maamusho geeddi-socodka siyaasadeed ee Koonfur Galbeed.

Fargeeti ayaa sidoo kale sheegay in doorasho lagu qabto deegaanno wali wajahaya caqabado amni iyo muranno siyaasadeed oo aan la xallin ay horseedi karto xiisado hor leh iyo kala qaybsanaan bulsho. Wuxuu carrabka ku adkeeyay in dib-u-heshiisiin iyo wadatashi loo baahan yahay ka hor inta aan la guda gelin hannaan doorasho oo cusub.

Sidoo kale, wuxuu dhaliilay waxa uu ku tilmaamay ka maqnaanshaha wadatashi loo dhan yahay, isaga oo sheegay in hoggaan ka dhasha doorasho aan lagu heshiin uusan heli doonin kalsooni iyo sharciyad buuxda oo ay bulshada Koonfur Galbeed wada aqbasho.

Hadalladan ayaa imanaya xilli ay sii kordhayaan doodaha ku saabsan hannaanka doorashooyinka Soomaaliya iyo qorshaha lagu hirgelinayo nidaamka qof iyo cod ee qaybo kamid ah dalka.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *