LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Wasaaradda Caafimaadka oo soo bandhigtay khasaaraha ka dhashay howlgalka hubka dhigista ee Muqdisho

Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maanta soo saartay war-saxaafadeed rasmi ah oo ay ku faahfaahinayso khasaaraha ka dhashay howlgal hub ka dhigis ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho intii u dhaxaysay 3-da ilaa 4-ta Juun 2026.

Sida lagu sheegay warbixinta hordhaca ah ee laga soo ururiyay isbitaallada iyo xarumaha caafimaadka ee lagu daweeyay dadka ay saameeyeen dhacdooyinkaasi, waxaa la xaqiijiyay:

  • 55 qof oo dhaawac ah
  • 1 qof oo geeriyooday

Wasaaraddu waxay tacsi u dirtay ehelada qofka geeriyooday, iyadoo sidoo kale u rajeysay caafimaad degdeg ah dhammaan dadka dhaawacyadu soo gaareen.

War-saxaafadeedka ayaa lagu ammaanay shaqaalaha caafimaadka, kooxaha gurmadka degdegga ah iyo dhammaan hay’adihii ka qeyb qaatay bixinta adeegyada caafimaad ee loo fidiyay dadka ay waxyeelladu gaartay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sidoo kale ugu baaqday warbaahinta iyo daneeyayaasha kale inay ka taxaddaraan faafinta xogaha la xiriira khasaaraha iyo xaaladaha degdegga ah, iyagoo ku saleynaya wararkooda xog la xaqiijiyay oo rasmi ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *