LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG DEG: Maamulka Koonfur Galbeed oo war kasoo saaray Ciidamada ay DF geysay Baraawe

Dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa Dowladda Federaalka ku Eedeysay Faragelin ka dhan ah deegaanadeeda.

Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareeyay ciidamo ka tirsan dowladda federaalka oo dhawaan la geeyay magaalada Baraawe.

Madaxweynaha Koonfur Galbeed, Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, oo ka hadlay shir uu la yeeshay odayaasha dhaqanka, ayaa sheegay in dowlad-goboleedkiisu uu haysto awood amni oo ku filan si uu u ilaaliyo xasilloonida, ugana hortago falal lagu carqaladeynayo amniga iyo nidaamka gobolka.

Afhayeen u hadlay maamulka ayaa dhankiisa dhaliilay tallaabada dowladda federaalka, isaga oo xusay in ciidamadii loogu talagalay la-dagaallanka argagixisada loo adeegsanayo arrimo siyaasadeed oo lagu wiiqayo maamulka Koonfur Galbeed. Waxa uu sidoo kale tusaale u soo qaatay howlgallo hore uga dhacay Jubbaland oo uu sheegay in aysan keenin natiijooyin wax ku ool ah, isaga oo arrintaas uga digay in ay mar kale soo noqoto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *