DEG DEG: Ciidanka Koonfur Galbeed oo deegaan ka qabsaday kuwa Mucaaradka

Ciidamada ammaanka Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa si buuxda ula wareegay deegaanka Habar-Dooy, oo horey ay gacanta ugu hayeen ciidanka lamagac baxay Badbaadada Koonfur Galbeed ee ay tageerto dowladda federaalka Soomaaliya kaddib howlgal militari oo maanta halkaas ka dhacay.
Wararka laga helayo deegaanka ayaa sheegaya in ciidamada Koonfur Galbeed ay weerar qorsheysan ku qaadeen Habar-Dooy, iyagoo ka weeraray dhowr jiho. Deegaankan ayaa qiyaastii 20-kiloomitir u jira magaalada Baydhabo, dhanka koonfureed ee Deynuunay.
Kadib dagaal socday saacado badan, ciidamada Koonfur Galbeed ayaa ugu dambeyn ku guuleystay inay la wareegaan gacan ku haynta deegaanka, kaddib markii ay halkaas isaga baxeen dagaalyahannadii mucaaradka ahaa oo loogu awood sheegtay dagaalka.
Dagaalka oo ahaaa mid qaraar ayaa la isu adeegsaday hub culus isagoona dhaliyay qasaaro soo kala gaaray labada dhinac inkastoo aanan la ogeyn intuu la egyahay.
Wararka hordhaca ah ayaa sidoo kale tilmaamaya in ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ay gacanta ku dhigeen hub iyo gaadiid ay lahaayeen ciidanka Badbaadada Koonfur Galbeed ee ay kaga adkaadeen dagaalka, iyadoo la filayo in maamulka uu soo bandhigo agabkaas saacadaha soo socda.









