LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweyne Laftagareen oo Kulan Degdeg ah la Qaatay Odayaasha Dhaqanka Xilli ay…

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed, Cabdi Casiis Xasan Maxamed (Laftagareen), ayaa qabtay kulan degdeg ah oo uu la yeeshay odayaasha dhaqanka, si looga arrinsado xaaladda siyaasadeed ee ka taagan deegaannada maamulka, gaar ahaan walaaca laga qabo faragelin la sheegay in ay ka imaneyso Dowladda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka intii uu socday, Madaxweynaha ayaa sharaxaad ka bixiyay mowqifka rasmiga ah ee dowlad goboleedka Koonfur Galbeed, isagoo carrabka ku adkeeyay muhiimadda ay leedahay ilaalinta dastuurka, dhowrista madax-bannaanida maamulka, iyo xoojinta wada-shaqeyn ku dhisan is-ixtiraam iyo wadatashi.

Dhankooda, odayaasha dhaqanka ayaa muujiyay walaac ku aaddan xaaladda siyaasadeed ee haatan jirta, iyagoo ku baaqay in la xoojiyo midnimada bulshada, isla markaana la dardar geliyo dadaallada lagu ilaalinayo nabadda iyo xasilloonida guud ahaan deegaannada Koonfur Galbeed.

Xiisadda u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda federaalka ayaa gaartay meeshii ugu xumeyd iyadoo dowladda federaalka ay culeys badan saareyso Madaxweynaha Koonfur Galbeed si ay uga hortagto doorasho uu doonayo inuu qabto.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *