DUNIDALATEST NEWSWARARKA

Isbeddel siyaasadeed: Sacuudiga iyo Imaaraadka oo Mareykanka iyo Israa’iil ku taageeraya dagaalka Iiraan

Warar laga helayo ilo diblomaasiyadeed iyo saraakiil reer Galbeed ah ayaa sheegaya in horraantii bishan, sarkaal sare oo ka tirsan Wasaaradda Difaaca Mareykanka, Elbridge Colby, uu wada hadal la yeeshay Wasiirka Difaaca Sacuudiga, Khalid bin Salman, oo sidoo kale ah walaalka iyo la-taliyaha ugu sarreeya Dhaxal sugaha Boqortooyada, Mohammed bin Salman.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in wada hadalkan uu yimid xilli ay sii kordhayeen weerarrada Iran ay ku hayso saldhigyada Mareykanka ee gobolka Khaliijka, taasoo ku qasabtay Washington inay raadiso marinno dheeraad ah oo ay ku gaarto hawlgalladeeda milatari, oo ay ku jiraan in diyaaradeheeda loo ogolaado saldhigyo cusub.

Sacuudi Carabiya ayaa la sheegay inay ogolaatay in Mareykanku adeegsado Saldhigga Cirka ee King Fahad ee ku yaalla magaalada Taif ee galbeedka dalkaas. Ilo badan oo Mareykan iyo reer Galbeed ah ayaa warbaahinta Middle East Eye u xaqiijiyay arrintan.

Saldhiggan ayaa leh muhiimad istiraatiiji ah, maadaama uu ka fog yahay weerarrada diyaaradaha aan duuliyaha lahayn ee nooca Shahed ee Iran, marka loo eego Saldhigga Prince Sultan oo dhowr jeer lagu weeraray. Magaalada Taif waxay sidoo kale u dhowdahay Jeddah, oo ah deked muhiim ah oo ku taal Badda Cas, taasoo noqotay xarun saadka muhiim ah kadib markii Iran si wax ku ool ah u xakameysay marin biyoodka Hormuz.

Saraakiil hore iyo kuwo hadda ka tirsan Mareykanka ayaa sheegay in haddii maamulka Madaxweyne Donald Trump uu isu diyaarinayo dagaal muddo dheer socon kara oo ka dhan ah Iran, magaalada Jeddah ay door weyn ka qaadan karto sii wadista howlgallada ciidamada Mareykanka. Wararka ayaa sidoo kale sheegaya in kumannaan askari oo Mareykan ah oo ka imanaya Bariga Aasiya ay ku sii jeedaan gobolka.

Go’aanka Sacuudi Carabiya ee ballaarinta adeegsiga saldhigyadeeda ayaa muujinaya isbeddel ku yimid siyaasadda Boqortooyada iyo qaar ka mid ah dalalka Khaliijka ee ku aaddan dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Israa’iil ee ka dhanka ah Iran.

“Sida muuqata, mowqifka Riyadh wuxuu isu beddelay taageeridda dagaalka Mareykanka si jawaab loogu siiyo weerarrada Iran,” ayuu yiri sarkaal reer Galbeed ah oo ku sugan Khaliijka.

Wararka ayaa intaas ku daraya in Madaxweyne Trump iyo Dhaxal-sugaha Sacuudiga ay sameynayeen wadahadallo taleefan oo joogto ah saddexdii toddobaad ee la soo dhaafay.

Dhanka kale, Imaaraadka Carabta ayaa sidoo kale u sheegay Mareykanka inay diyaar u yihiin dagaal muddo dheer socon kara, iyagoo aan cadaadis saarin Washington si ay si degdeg ah u soo afjarto colaadda.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Imaaraadka, Sheikh Abdullah bin Zayed, oo qadka taleefanka horaantii bishaan kula hadlay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka, Marco Rubio, ayaa sida la sheegay u wargaliyay in dalkiisu diyaar u yahay in dagaalku socdo ilaa sagaal bilood, sida ay sheegeen ilo Mareykan ah.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *