Puntland oo si adag uga hadashay xaaladda Koonfur Galbeed kuna eedeysay DFS…

Dowlad goboleedka Puntland ayaa ka hadashay xiisadda u dhexeysa dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur Galbeed.
Wasiiru dowlaha madaxtooyada Puntland Cabdifataax Maxamed Nuur, oo si kulul uga hadlay xaaladda Koonfur Galbeed iyo tallaabooyinka ka dhanka ah maamulkaas ee ay qaaday dowlada federaalka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in dowladda federaalka ay mar kale xaalad colaadeed galineyso dalka.
Waxa uu ku eedeeyay Madaxweyne Xasan Sheekh in dagaallo hore uu qaaday uusan ka baran wax cashir ah gaar ahaan dagaalkii Raaskambooni islamarkaana uu iminka abaabul colaadeed kawado deegaanada Maamulka Koonfur Galbeed.
“Waxaa nasiib darro ah in Madaxweynuhu mar labaad dalka qaybo kamid ah dhiilo colaadeed ka abaabulayo oo aan waxba laga baran Raaskambooni, waxaana shacabka ugu baaqaynaa inay isku duubnidooda ilaashadaan”, Ayuu yiri Wasiirku.
Wasiirka ayaa sheegay in maamulka Koonfur Galbeed uu xaq u leeyahay inuu qabsado doorasho uu umadax banaanyahay sida uu qabo dastuurka sidaas darteed dowladda federaalka Soomaaliya looga baahanyahay inaysan carqaladeyn.
”Sida uu qabo dastuurka Koonfur Galbeed waa inay qabsadaan doorashooyinkooda si madax banaan, dowladda Somalia aysan carqaladayn dadkaasi, waxaa nasiib darro ah in dhawr iyo toban wasiir iscasilaan waxayna muujinaysaa inay dowladnimaduu dadku ka niyad jabeen.”









