WAR DEG DEG AH: Ciidamada Dowladda oo la Wareegay Baraawe

Wararka laga helayo gobolka Shabeellaha Hoose Ayaa sheegaya in Ciidamada Dowladda Federaalka Soomaaliya ay la wareegeen Magaalada Baraawe ee Caasimadda dowlad-goboleedka Koonfur-Galbeed Soomaaliya.
La wareegitaanka ciidamada dowladda ee degmada Baraawe ayaa timid kadib markii ay halkaasi isaga bexeen ciidamada maamulka Koonfur Galbeed oo halkaasi ku sugnaa.
Dadka deegaanka ayaa noo sheegay in ciidamada dowladda Soomaaliya gaar ahaan kuwa Haramcad oo shalay ay dowladda ku daabushay halkaas ay si buuxda gacanta ugu hayaan magaalada Baraawe iyagoo aanan wax iska caabin ama dagaal ah kala kulmin ciidamada maamulka Koonfur Galbeed ee gacanta ku hayay magaalada.
Lama garanayo tallaabada uu qaadi doono maamulka Koonfur iyadoo sidoo kale aanan la garaneyn tallaabada xigta ee ay qaadi doonto dowladda federaalka kadib qabsashada Baraawe.
Xiisadda u dhexeysa maamulka Koonfur Galbeed iyo dowladda Soomaaliya ayaa maalinba maalinta ka dambeysa sii xoogeysaneysa
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Banaadir24.









