LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ra’iisul Wasaare Xamza oo xil kaqaadis sameeyay

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre ayaa xilalkii ka qaaday Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Batroolka iyo Macdanta XFS Ismaaciil Shire Jaamac iyo Wasiiru-dowlaha Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka XFS Asad Cabdirisaaq Maxamed.

Go’aankan ayaa yimid kadib markii uu Ra’iisul Wasaaruhu cuskaday qodobada 120-aad iyo kan 117-aad ee dastuurka JFS iyo xeer-hoosaadka Golaha Wasiirrada, iyadoo isla markaana la tixgaliyay baahida loo qabo in la sii xoojiyo hawlaha wasaaradaha.

Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ayaa uga mahadceliyey masuuliyiintaan muddadii ay u soo shaqeeyeen Qaranka, wuxuuna oo u rajeeyey mustaqbal wanaagsan.

xil kaqaadista uu Ra’iisul Wasaaraha ku sameeyay labada wasiiru dowle ayaa imaaneyso todobaadyo kadib markii shaaciyeen inay iska casileen xilalkooda iyagoona horey usii raacay madaxweynayaasha Puntland.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *