Fahad Yaasiin oo digniintii ugu cusleyd u diray Xasan Sheekh iyo Xamza kadib xarigga Taliye Shub

Agaasimihii hore ee Hay’adda Nabad-sugidda iyo Sirdoonka Qaranka Soomaaliya, Fahad Yaasiin, ayaa qoraal uu soo saaray kaga hadlay xarigga loo geystay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta, Mahad Cabdiraxmaan Aadan, isagoo uga digay madaxda sare ee dalka tallaabadaasi.
Fahad Yaasiin ayaa si toos ah ugu baaqay Madaxweynaha Soomaaliya iyo Raysal Wasaaraha Soomaaliya in aysan bilaabin dhaqan cusub oo siyaasadeed oo ah in masuul xilka laga qaado loogu beddelo xabsi. Wuxuu sheegay in arrintani ay tahay mid aan hore uga dhicin nidaamka dowladnimo ee Soomaaliya tan iyo markii la aas-aasay Jamhuuriyadda 3-aad.
Qoraalkiisa ayuu ku tilmaamay in furitaanka “albaabkan” uu keeni karo cawaaqib aan la saadaalin karin, isla markaana uu halis gelin karo hab-dhaqanka siyaasadeed ee dalka. Wuxuu xusay in haddii la bilaabo xarigga masuuliyiinta xilalka laga qaado, ay adkaan karto in dib loo xakameeyo saameynta ka dhalan karta mustaqbalka.
Sidoo kale, Fahad Yaasiin ayaa si cad u dalbaday in si degdeg ah loo sii daayo Taliye Mahad Cabdiraxmaan Aadan, isagoo ku dooday in tallaabada lagu xiray ay horseedi karto xiisad siyaasadeed iyo kala aragti duwanaansho hor leh.
Hadalkan ayaa imaanaya xilli ay dowladda federaalka Soomaaliya xilkii ka qaaday Taliye Shub kadibna Xabsi guri galisay.









