Uganda oo ku hanjabtay inay dagaalka Iran ku biiri doonto si ay u difaacdo Israa’iil

Taliyaha ciidamada milatariga Uganda Muhoozi Kainerugaba ayaa sheegay in dalkiisa Uganda uu si toos ah uga qeyb geli doono dagaalka ka socda Iran haddii ay timaado xaalad khatar ku ah Israel.
Muhoozi Kainerugaba ayaa qoraal uu soo saaray ku yiri: “Hadallada ku saabsan burburinta ama jabinta Israel waxay si toos ah noogu qasbi doonaan inaan dagaalka galno, anagoo garab taagan Israel.”
Xiriirka u dhexeeya Uganda iyo Israel ayaa muddo dheer soo jiray, gaar ahaan tan iyo dhacdadii caanka ahayd ee Entebbe rescue 1976, taas oo ay ciidamada Israel ku badbaadiyeen dad lagu haystay garoonka diyaaradaha Uganda ee Entebbe. Howlgalkaas waxaa hoggaaminayay walaalka raysal wasaaraha Israel, Yonatan Netanyahu, kaas oo halkaas ku geeriyooday.
Bishii hore, dowladda Uganda ayaa ku dhawaaqday inay dhiseyso taallo lagu maamuusayo Yonatan Netanyahu, taasoo muujineysa xiriirka gaarka ah ee labada dal.
Hadalka taliyaha milatariga Uganda ayaa imaanaya xilli xiisadda gobolka ay sii kordheyso, iyadoo dalal kala duwan ay si tartiib tartiib ah ugu sii biirayaan iskahorimaadka, taas oo sare u qaadaysa walaaca laga qabo in dagaalku yeesho baaxad caalami ah.









