Imaaraadka Carabta oo diidday xabbad joojin lala galo Iran, kana qeyb qaadanaya weerarka Iran

Dowladda Imaaraadka Carabta (ayaa la sheegay inay diidday qorshe xabbad-joojin ah oo lala galo Iran, iyadoo sidoo kale muujisay inay diyaar u tahay inay ku biirto weerar dhulka ah oo ka dhan ah Tehran.
Wararka ayaa sheegaya in Imaaraadka Carabtu ku adkeystay in marka hore la burburiyo dhammaan shabakadaha halista ah ee Iran ka hor inta aan wax heshiis ah la gaarin.
Safiirka Imaaraadka Carabta ee Maraykanka, Yousef Al Otaiba, ayaa xaqiijiyay in dalkiisu uu qayb ka noqon doono dadaallada lagu doonayo in dib loogu furo marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz kaas oo lafdhabar u ah sahayda shidaalka caalamka.
Arrintan ayaa imaanaysa iyadoo xiisadda gobolka ay sii kordhayso, kadib markii dagaal culus uu ka dhex qarxay Iran iyo xulafada reer galbeedka, taasoo saameyn weyn ku yeelatay marinada ganacsiga iyo sahayda tamarta.
Khubarada ayaa ka digaya in tallaabooyinka noocan ah ay sii hurin karaan colaadda, gaar ahaan iyadoo marinka Hormuz uu yahay mid muhiim u ah in ka badan qayb weyn oo shidaalka adduunka mara.









