LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Cidda ka dambeysa in Xasan Sheekh xabsi guri uu galiyo Taliye Shub

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta xabsi guri galisay Taliyihii hore ee ciidamada Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Taliye Shub.

Taliyaha oo isla maanta ay Dowladdu ku sameysay xil kaqaadis ayaa gurigiisa la dul dhigay Ciidamo waxana loo sheegay inuusan ka bixi karin gurigiisa.

Tallaabada ay dowladda federaalka xabsi guriga ku galisay Taliyaha ayaa timid kadib markii ay soo wajahday cabsi ku aadan in Taliyaha uu safar kaga baaxo magaalada Muqdisho kuna gaaro magaalada Baydhabo sida ay horey u sameeyeen wasiiro ka tirsan Koonfur Galbeed iyo xubno kale oo kasoo horjeeda nidaamka madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ilo wareedyo ku dhow Madaxweynaha ayaa Banaadir24 Online, u sheegay in tallaabadaan uu ku dhiirigaliyay Xasan Sheekh Cabduqaadir Maxamed Nuur oo ah Wasiirka dekedaha oo ah saaxiib aad ugu dhow Madaxweyne Xasan Sheekh islamarkaana kasoo horjeeda Madaxweyne CabdiCasiis Laftagareen.

Cabduqaadir Maxamed Nuur ayaa sidoo kale ah ninka ka dambeeyo xiisadda ka dhex aloosan dowladda federaalka Soomaaliya iyo maamulka Koonfur isagoona qeyb weyn ka qaatay in Xasan Sheekh uu Ciidamo geeyo deegaano ka tirsan Koonfur Galbeed.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *