LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DEG-DEG: Dowladda Federaalka oo ciidamo dul dhigtay Guriga Taliye Shub

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamo farabadan oo booliis ah la duldhigay guriga uu magaalada Muqdisho ka deganyahay Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Mahad Cabdiraxmaan Aadan oo loo yaqaan (Taliye Shub).

Sarakiil ka tirsan laamaha Ammaanka ayaa Banaadir24 Online, u xaqiijiyay arrintaan iyadoo sidoo kale Taliyaha maanta xilka laga qaaday lagala wareegay ciidamadii ilaalada u ahaa oo ka tirsanaa kuwa Asluubta Soomaaliyeed.

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa goor sooo horeysay oo maanta kuwa dhaqaaqday in xilka laga qaaday Taliye, oo aad ugu dhow madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed CabdiCasiis Laftagareen oo xiisad siiyasadeed oo xoogan ay kala dhexeyso Madaxweynaha muddo xileedkiisu sii dhamaanayo ee Xasan Sheekh Maxamuud.

Saraakiisha ammaanka ayaa noo xaqiijiyay in tallabadan ciidanka lagu duldhigay guriga taliye Shub islamarkaana loogala wareegay ilaaladiisa looga golyahay in lagula socdo dhaqdhaqaasiisa.

Wixii kusoo kordha kala soco Banaadir24 Online Insha Allah.

 

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *