LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Madaxweynaha FIFA oo Booqasho Taariikhi ah Ku Imaanaya Muqdisho

Wadashaqeynta dhow ee u dhexeysa Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha XFS, oo uu hoggaamiyo Wasiir Maxamed Cabduqaadir Cali, iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed ayaa horseed u noqotay guulo wax ku ool ah oo sare u qaaday sumcadda kubadda cagta Soomaaliya ee fagaaraha caalamka.

Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed, ahna Madaxweyne Ku-xigeenka CECAFA, Mudane Cali Cabdi Maxamed (Cali Shiine), oo muddooyinkii u dambeeyay ka qeyb galayay kulamo heer sare ah oo ka dhacay dalka Mareykanka, ayaa sheegay in wada-hadallo uu la yeeshay Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, ay Soomaaliya u horseedeen fursado iyo is-afgarad muhiim ah oo lagu horumarinayo kubadda cagta dalka.

Guddoomiye Cali Shiine ayaa xusay in iskaashiga joogtada ah ee u dhaxeeya Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Xiriirka Kubadda Cagta Soomaaliyeed uu door weyn ka qaatay xoojinta xiriirka kala dhaxeeya FIFA, taasoo ugu dambeyn horseedday in Madaxweynaha FIFA, Gianni Infantino, uu go’aansado inuu dhammaadka sanadkan booqasho taariikhi ah ku yimaado Soomaaliya.

Guddoomiyaha ayaa tilmaamay in booqashadan la filayo ay ka tarjumeyso kalsoonida ay FIFA ku qabto horumarka kubadda cagta Soomaaliya, isla markaana ay dhabaha u furi doonto iskaashi cusub, maalgelin iyo mashaariic lagu horumarinayo garoomada kubadda cagta, kor u qaadidda aqoonta tababarayaasha, Garsoorayaasha, Horumarinta Ciyaartoyda da’yarta, Kobcinta Kubadda Cagta Haweenka iyo xoojinta dhinacyada farsamada iyo Maamulka Kubadda Cagta Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *