Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    15 October 2026

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Mareykanka oo Cunaqabateyn ku Soo Rogay Taliyeyaal ka Tirsan Maleeshiyada RSF ee Sudan
    DUNIDA

    Mareykanka oo Cunaqabateyn ku Soo Rogay Taliyeyaal ka Tirsan Maleeshiyada RSF ee Sudan

    Banaadir24By Banaadir2420 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Mareykanka ayaa Khamiistii ku dhawaaqay cunaqabateyn lagu soo rogay saddex taliye oo ka tirsan maleeshiyaadka Rapid Support Forces (RSF), iyada oo lagu eedeeyay doorkooda go’doomintii 18-ka bilood socotay iyo qabsashadii magaalada Al-fashir, halkaas oo lagu tuhunsan yahay in ay ka geysteen dilal ballaaran oo nidaamsan.

    War-saxaafadeed kasoo baxay waaxda Maaliyadda Mareykanka ayaa RSF ku eedeeyay inay fulisay “olole argagax leh oo ku saleysan dilal qowmiyadeed, jirdil, gaajo lagu khasbay, iyo tacaddiyo galmo” intii lagu guda jiray go’doominta iyo qabsashada Al-Fashir.

    Al-Fashir oo ah caasimadda gobolka Darfur ayaa gacanta u gashay RSF bishii Oktoobar 2025, kadib go’doomin dheer oo sababtay dilal tiro badan iyo macluul baahsan. Wasaaradda Maaliyadda Mareykanka ayaa sheegtay in markii magaalada la qabsaday kadib, dagaalyahannada RSF ay sii xoojiyeen dilalka nidaamsan, xarigga ballaaran iyo tacaddiyada galmada, iyadoo aan la kala saarin rayid iyo cid kale.

    Sidoo kale, warbixintu waxay RSF ku eedeysay inay wadeen olole lagu baabi’inayo caddeymaha xasuuqyada, iyagoo la sheegay inay aaseen, gubeen ama si kale u tirtireen tobannaan kun oo mayd ah.

    In ka badan 100,000 oo qof ayaa lagu qiyaasay inay ka barakaceen Al-Fashir tan iyo dabayaaqadii Oktoobar, kadib markii RSF ay la wareegtay gacan ku haynta magaalada, taas oo 18 bilood oo go’doomin ah ku ridday xaalad macluul daran.

    Dad ka badbaaday rabshadaha ayaa soo sheegay dilal wadareed loo geystay qowmiyad iyo xarig ballaaran oo dhacay intii lagu jiray iyo kadib la wareegiddii magaalada. Dad badan ayaana weli la la’yahay, gaar ahaan Al-Fashir iyo nawaaxigeeda.

    “Dowladda Mareykanku waxay ugu baaqaysaa RSF inay si degdeg ah u oggolaadaan xabbad-joojin bani’aadamnimo. Ma aqbali doonno ololahan argagixiso iyo dilalka micno darrada ah ee ka socda Sudan,” ayuu yiri Xoghayaha Maaliyadda Mareykanka Scott Bessent, sida lagu sheegay bayaanka.

    Shakhsiyaadka cunaqabateynta lagu soo rogay waxaa ka mid ah jeneral ka tirsan RSF oo Wasaaradda Maaliyaddu sheegtay inuu is duubay isagoo dilaya dad rayid ah oo aan hubeysneyn, iyo sidoo kale sarreeye guuto kale iyo taliye goobeed ka tirsan RSF.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleWasiirka Dakadaha Iyo Gaadiidka Oo Ka hadlay Go’aanka Golaha Wasiirada
    Next Article Somalia Iyo Sacuudiga Oo Kala Saxiixday Heshiis Iskaashi Oo Muhiim Ah
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    6 October 2026

    Mu’addinkii Masjidka Al-Xaram Sheekh Ibraahim Al-Madani oo geeriyooday

    21 September 2026

    Sacuudiga oo helay agab qadiimi ah oo ay ku qoranyihiin magaca Cumar Bin Khadaab

    11 June 2026

    Xuutiyiinta Yemen Oo Ku Dhawaaqay Xayiraad Cusub Oo Ka Dhan Ah Maraakiibta Israa’iil

    8 June 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay

    By Banaadir2415 October 20260

    Muqdisho (Banaadir24) — Madaxweynihii 9-aad ee Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa si xooggan…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka

    15 October 2026

    Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay

    15 October 2026

    Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka

    15 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Farmaajo oo ka digay khilaaf siyaasadeed, kuna baaqay doorasho heshiis lagu yahay
    • Akhriso: Guddiga Doorashooyinka oo shaaciyay doorashooyinka 2-da Aqal iyo tan Madaxweynaha Dalka
    • Ciidamada Laftagareen oo la-wareegay Buurhakaba & Wararkii ugu dambeeyay
    • Qaramada Midoobay iyo Soomaaliya oo ka arrinsaday xil-wareejinta UNTMIS iyo amniga dalka
    • Dagaal culus oo ka socda Buurhakaba, Ciidanka Laftagareen oo weerar culus ku…

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d