Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Iran oo Wacad ku Martay Inaysan Jileec tusi doonin Mareykanka
    DUNIDA

    Iran oo Wacad ku Martay Inaysan Jileec tusi doonin Mareykanka

    Banaadir24By Banaadir2422 February 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Madaxweynaha Iiraan, Mazoud Peseshkian, ayaa ku dhawaaqay in dalkiisu uusan u jilicsanaan doonin cadaadis uga imanaya Mareykanka, kadib markii madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump, uu sheegay inuu ka fiirsanayo weerarro xaddidan oo lagu qasbayo Tehran inay heshiis ka gaarto barnaamijkeeda nukliyeerka.

    Hadalka Pezeshkian oo la jeediyay Sabtidii, ayaa ku soo beegmay xilli ay cirka isku shareertay xiisadda ka taagan Gacanka Carbeed, iyadoo Mareykanku sii kordhinayo joogitaankiisa militari ee gobolka, isla markaana diray laba markab xambaara diyaaradaha dagaalka iyo tobannaan diyaaradood oo dheeraad ah.

    “Ma jilicsanaan doonno, mana u foorarsan soon caqabadahan,” ayuu Pezeshkian ka sheegay munaasabad lagu maamuusayay xubnaha kooxda Iiraan ee ka qeybgalay ciyaaraha Paralympics-ka.

    Wuxuu intaas ku daray in quwadaha waaweyn ee caalamka ay isku dayayaan inay ku qasbaan Iiraan inay madaxa hoos u dhigto. “Sida idinkuba aydan ugu jilicsaneyn dhibaatooyinka hortiinna yaallay, annaguna uma Juliana’s doonno cadaadiskan,” ayuu yiri.

    Dhanka kale, Iiraan iyo Mareykanka ayaa dib u bilaabay wada-hadallo dadban oo ku saabsan barnaamijka nukliyeerka Tehran horaantii bishan, kuwaas oo ka dhacay dalka Cumaan, halka wareeg labaad uu ka qabsoomay toddobaadkii hore dalka Switzerland.

    Inkastoo Washington iyo Tehran ay wada-hadallada ku tilmaameen kuwo guud ahaan wanaagsan, haddana lama gaarin horumar la taaban karo.

    Wasiirka Arrimaha Dibadda Iiraan, Abbas Araghchi, ayaa Jimcihii sheegay in xal diblomaasiyadeed uu “gacanta ku jiro,” isla markaana dalkiisu qorsheynayo inuu soo gabagabeeyo qabyo-qoraalka heshiis suuragal ah “labada ilaa saddexda maalmood ee soo socda” si loogu gudbiyo Washington.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleSomaliland oo Maraykanka u Furaysa Macdanta iyo Saldhigyada Militari
    Next Article Sawirro: Dad careysan oo bannaanbax ka dhigay Agagaarka Madaxtooyadda Somalia
    Banaadir24
    • Website
    • Facebook
    • X (Twitter)

    Related Posts

    Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    6 October 2026

    Mu’addinkii Masjidka Al-Xaram Sheekh Ibraahim Al-Madani oo geeriyooday

    21 September 2026

    Sacuudiga oo helay agab qadiimi ah oo ay ku qoranyihiin magaca Cumar Bin Khadaab

    11 June 2026

    Xuutiyiinta Yemen Oo Ku Dhawaaqay Xayiraad Cusub Oo Ka Dhan Ah Maraakiibta Israa’iil

    8 June 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay

    By Banaadir246 October 20260

    Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka (NISA), oo kaashanaya saaxiibada caalamka, ayaa howlgal qorsheysan oo…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland

    6 October 2026

    Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…

    6 October 2026

    Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato

    6 October 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Madixii Amniyaadka Al-Shabaab & Sarkaalkii ka dambeeyay qarixii Soobe oo la dilay
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo Imaaraadka ku eedeeyay inay ka shaqeyneyso gooni-isu-taagga Somaliland
    • Dowladda Federaalka oo ciidamo xoogan geysay duleedka Beledxaawo, xiisad dagaal oo…
    • Madaxweyne Xasan Sheekh oo meesha ka saaray in Al-Shabaab Soomaliya qabsato
    • Turkiga iyo Pakistan oo ciidamo u diraya Sacuudiga kadib weerarrada Xuutiyiinta

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d