Ciidamada Laftagareen oo soo buux dhaafiyay duleedka Baydhabo & Dhaq-dhaqaaqyo ciidan oo…

Ciidamo aad u hubeysan oo ka tirsan xoogagga Darawiishta ee la safan Maamulka Koonfur Galbeed ee uu hoggaamiyo Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen ayaa xalay ilaa saakay lagu arkay dhowr goobood oo ku yaalla duleedka magaalada Baydhabo, taas oo sare u qaaday walaaca laga qabo in magaalada ay mar kale ka dhacaan dagaallo.
Ilo dhanka amniga ah ayaa sheegay in ciidamadan ay wateen gantaallada RPG-yada, qoryaha darandooriga u dhaca iyo hub kale oo culus, iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn halka ay ku wajahan yihiin iyo ujeeddada dhaqdhaqaaqooda.
Dhaqdhaqaaqyada ciidamo hubeysan oo Laftagareen taabacsan oo lagu arko agagaarka Baydhabo ayaa horey loogu fasiray inay noqon karaan calaamad muujinaysa isku diyaarin militari ama weerar cusub, hase yeeshee sarkaal ka tirsan dhinaca maamulka fadhigiisu yahay Baydhabo ee Sheekh Aadan Madoobe ayaa sheegay in xaaladda hadda jirta aysan ahayn “khatar weyn.”
Dhaqdhaqaaqan ciidan ayaa kusoo beegmaya xilli Baydhabo ay weli ka taagan yihiin xiisado siyaasadeed iyo amni, kadib markii ciidamada dowladda Federaalka ay bishii Maarso la wareegeen gacan ku haynta magaalada, taas oo ka dhalatay khilaaf siyaasadeed oo u dhexeeyay dowladda Federaalka iyo maamulka Laftagareen.
Baydhabo iyo deegaanada ku dhow ayaa tan iyo xilligaas wajahaya rabshado soo noqnoqday. 17-kii Agoosto, dagaalyahanno la safan Laftagareen ayaa weerar ku qaaday fariisimo ay dowladda ku leedahay duleedka Baydhabo, iyadoo mas’uul caafimaad uu sheegay in ugu yaraan 4 qof oo rayid ah ay dhinteen, halka 98 kalena ay ku dhaawacmeen.
Dagaallo kale oo dhacay 3-dii Sebtembar ayaa sababay dhaawacyo badan, waxaana lagu qasbay qaar ka mid ah dadka deegaanka inay ka barakacaan xaafado ka tirsan magaalada.
Dhaqdhaqaaqa ciidamada ee maanta lagu arkay duleedka Baydhabo ayaa sidaas darteed si weyn isha loogu hayaa, iyadoo weli aan la xaqiijin ujeeddada rasmiga ah ee ciidamada iyo haddii ay jirto tallaabo militari oo cusub oo ay qorsheynayaan.









