Kampala Kahor: Midowga Afrika oo dowladda Soomaaliya ka Dalbaday Jawaab Degdeg ah

Midowga Afrika (AU) ayaa dowladda Federaalka Soomaaliya u diray farriin diblomaasiyadeed oo degdeg ah, isagoo ku boorriyay inay si dhaqso leh u magacaawdo ergadeeda ka qayb geli doonta shirar muhiim ah oo gogol-xaar u ah shir madaxeedka aan caadiga ahayn ee looga hadlayo mustaqbalka howlgalka AUSSOM.
Sida ku cad warqadda AU, shir madaxeedka Madaxda Dowladaha dalalka ciidamadoodu ka tirsan yihiin AUSSOM ayaa lagu qaban doonaa magaalada Kampala ee Uganda 31-ka Luulyo 2026, halkaas oo la filayo in lagu gaaro go’aanno muhiim ah oo ku saabsan jihada cusub ee howlgalka, qaab-dhismeedkiisa amni iyo maalgelintiisa.
Ka hor shirka Kampala, Taliyeyaasha Ciidamada iyo Wasiirrada Gaashaandhigga ee dalalka ka qaybgalaya AUSSOM ayaa ku kulmi doona magaalada Addis Ababa, si ay u diyaariyaan talooyinka farsamo iyo kuwa siyaasadeed ee loo gudbin doono madaxda gobolka.
Warqadda Midowga Afrika ayaa si gaar ah Dowladda Federaalka Soomaaliya uga codsatay inay si degdeg ah u soo gudbiso magacyada xubnaha uga qayb geli doona kulamada Addis Ababa, iyadoo AU ay sidoo kale xaqiijisay inay bixin doonto dhammaan kharashaadka safarka iyo ka qaybgalka ee wafdiga Soomaaliya.
Shirka Kampala ayaa la filayaa inuu si rasmi ah u ansixiyo go’aannada kasoo baxa kulamada Addis Ababa, kuwaas oo saameyn weyn ku yeelan doona wejiga xiga ee howlgalka AUSSOM iyo qorshaha amniga Soomaaliya.
Ilaa hadda, Midowga Afrika faahfaahin dheeraad ah kama uusan bixin fariinta uu u diray Soomaaliya, halka Dowladda Federaalka aysan weli si rasmi ah uga hadlin codsigaas.









