DUNIDALATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Israa’iil oo markii ugu horreysay Safiir u soo magacaawday Somaliland iyo xog cusub oo laga helay

Dowladda Israa’iil ayaa la filayaa inay dhowaan danjire rasmi ah u soo magacowdo Somaliland, kadib markii ay si rasmi ah u aqbashay danjirihii ugu horreeyay ee Somaliland u dirtay Tel Aviv, taas oo ah tallaabo muujinaysa in xiriirka labada dhinac uu si xawli ah u kobcayo.

Warar laga helay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa sheegaya in Somaliland ay hore u dirtay danjireheeda ugu horreeya, Dr. Maxamed Xaaji, kaas oo si rasmi ah loo aqbalay, iyadoo Israa’iil-na ay qorsheyneyso inay iyaduna soo dirto danjire u fadhiya magaalada Hargeysa, kaas oo lagu magacaabo Amb.Michael Lotem, kaas oo leh khibrad Shaqo oo weyn.

Arrintan ayaa ka dambeysay kadib markii Israa’iil ay bishii December 2025 noqotay dalkii ugu horreeyay ee si rasmi ah u aqoonsada Somaliland, taas oo keentay isbeddel weyn oo dhinaca siyaasadda iyo diblomaasiyadda ah ee Geeska Afrika.

Warar soo baxaya ayaa tilmaamaya in danjiraha la filayo in loo soo diro Somaliland uu yahay diblomaasi khibrad leh oo hore uga soo shaqeeyay dalal ay ka mid yihiin Kenya, Uganda iyo Tanzania, taas oo muujinaysa in Israa’iil ay muhiimad gaar ah siineyso xiriirka ay la yeelaneyso Somaliland.

Bishii Janaayo 2026, Wasiirka Arrimaha Dibadda Israa’iil ayaa booqasho rasmi ah ku tagay Hargeysa, taas oo ahayd booqashadii ugu horreysay ee mas’uul sare oo Israa’iili ah ku tago Somaliland, tan iyo markii la aqoonsaday.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa si adag uga soo horjeesatay xiriirka u dhexeeya Israa’iil iyo Somaliland, iyadoo ku tilmaantay mid xadgudub ku ah madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee Soomaaliya.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *