Close Menu

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    What's Hot

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    7 November 2026

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Vimeo
    Banaadir24 Online
    Subscribe Login
    • Home
    • Post Categories
      • WARARKA
      • ENGLISH NEWS
      • DUNIDA
      • BUSINESS
      • LATEST NEWS
      • LOCAL NEWS
      • OPINIONS
    • About Us
    • Contact Us
    • More
      • Privacy Policy
      • Terms and Conditions
    Banaadir24 Online
    • Privacy Policy
    • About Us
    • Contact Us
    • Terms and Conditions
    Home » Dowladda Soomaaliya oo diiday tallaabo ay qaaday Israa’iil
    Uncategorised

    Dowladda Soomaaliya oo diiday tallaabo ay qaaday Israa’iil

    Banaadir24 EditorBy Banaadir24 Editor16 April 2026No Comments2 Mins Read
    Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp VKontakte Email
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo Diidday Tallaabo Israa’iil Ku Wajahan oo Wax u Dhimaysa Madaxbannaanideeda iyo Midnimadeeda Dhuleed ee
    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay si adag u cambaaraynaysaa dhawaaqii ugu dambeeyay ee ka soo yeeray Wasaaradda Arrimaha Dibadda Israa’iil ee ku saabsan magacaabista wakiil diblomaasiyadeed oo loo diraayo gobolka waqooyi ee Soomaaliya, Somaliland.

    Warssaxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaaliya ayaa lagu sheegay in Tallaabadan ay si toos ah u jebinayso madax-bannaanida, midnimada, iyo wadajirka dhuleed ee Soomaaliya.

    Waxay si cad uga hor imaanaysaa sharciga caalamiga ah, oo ay ku jiraan Axdiga Qaramada Midoobay iyo mabaadi’da aasaasiga ah ee Midowga Afrika, kuwaas oo si aan mugdi lahayn u aqoonsan Soomaaliya inay tahay hal dal oo madax-bannaan, midaysan, oo aan la kala qaybin karin gudaha xuduudaheeda caalamku aqoonsan yahay ayaa lagu yiri” Warsaxaafadeedka.

    Dowladda Federaalka Soomaaliya waxay si buuxda u diiddan tahay isku day kasta oo lagu siinayo aqoonsi diblomaasiyadeed ama siyaasadeed qayb kasta oo ka mid ah dhulkeeda oo ka baxsan awoodda Dowladda Federaalka.

    Somaliland waa qayb ka mid ah Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya. Qorshe kasta oo lagu muujinayo inay tahay maamul gaar ah oo ka madax-bannaan Soomaaliya ma laha wax sal sharci ah, wuxuuna wiiqayaa is-afgaradka caalamiga ah ee jira.

    Xilli ay Soomaaliya si dhow ula shaqaynayso saaxiibadeeda caalamiga ah si ay u xoojiso hay’adaha dowladeed, u ballaariso dimuqraadiyadda, u horumariso dib-uheshiisiinta qaran, isla markaana ula dagaallanto argagixisada, tallaabooyinka noocan ah waxay halis gelinayaan horumarka gobolka waxayna dhiirrigelinayaan fikrado kala qaybin ah.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay ugu baaqaysaa Dowladda Israa’iil inay dib u eegto oo ay ka noqoto go’aankan, isla markaana si buuxda u ixtiraamto madax-bannaanida, wadajirka dhuleed, iyo madax bannaanida siyaasadeed ee Soomaaliya.

    Soomaaliya waxay sidoo kale ugu baaqaysaa Midowga Afrika, Qaramada Midoobay, Jaamacadda Carabta, Ururka Iskaashiga Islaamka, Midowga Yurub, iyo guud ahaan beesha caalamka inay ilaaliyaan sharciga caalamiga ah, kana hortagaan tallaabo kasta oo wiiqaysa midnimada Soomaaliya ama sharciyeynaysa sheegashooyinka gooni-goosadka.

    Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxay weli ku adkaysanaysaa go’aankeeda ah ilaalinta midnimadeeda qaran iyo xuquuqdeeda madax bannaan iyadoo adeegsanaysa dhammaan waddooyinka diblomaasiyadeed, siyaasadeed, iyo sharci ee la jaanqaadaya sharciga caalamiga ah.

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Related

    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr WhatsApp Email
    Previous ArticleMareykanka oo Kumannaan Askari Dheeraad ah u Diraya Bariga Dhexe Si Cadaadis Loo Saaro Iiraan
    Next Article Ku dhawaad 50 ka tirsan Al-Shabaab oo Hal Goob lagu dilay & wararkii ugu dambeeyay
    Banaadir24 Editor
    • Website

    Related Posts

    Baydhabo oo qarka u saaran dagaal & Ciidamada Dowladda oo hub culus ku xirtay…

    25 August 2026

    Dufcad Cusub oo ka Qalin-jabisay Kulliyadda Caafimaadka Recep Tayyip Erdoğan ee Muqdisho

    10 July 2026

    Loollanka Koonfur Galbeed Oo Cirka Isku Shareeray, Lafta Gareen Oo Helay Gurmad Cusub

    10 July 2026

    Dowladda Somalia oo ku dhawaaqday in dagaal aan kala joogsi lahayn lagu qaadayo Al-Shabaab

    8 July 2026
    Leave A Reply Cancel Reply

    Demo
    Our Picks

    Remember! Bad Habits That Make a Big Impact on Your Lifestyle

    13 January 2021

    The Right Morning Routine Can Keep You Energized & Happy

    13 January 2021

    How to Make Perfume Last Longer Than Before

    13 January 2021

    Stay off Social Media and Still Keep an Online Social Life

    13 January 2021
    • Facebook
    • Twitter
    • Pinterest
    • Instagram
    • YouTube
    • Vimeo
    Don't Miss
    LATEST NEWS

    Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan

    By Banaadir247 November 20260

    Beledweyne (Banaadir24) — Wararka laga helayo dhaq-dhaqaaqyada ciidamada dowladda Soomaaliya ayaa sheegaya in cutubyo ka…

    Share this:

    • Share on Facebook (Opens in new window) Facebook
    • Share on X (Opens in new window) X

    Like this:

    Like Loading…

    Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…

    7 November 2026

    Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad

    7 November 2026

    Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde

    7 November 2026

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from SmartMag about art & design.

    About Us
    About Us

    Banaadir24 is an independent online news platform dedicated to delivering timely, accurate, and balanced coverage of news and events in Somalia and beyond.

    Recent Posts
    • Ciidamada Gorgor oo ka jawaabay baaqii Ugaaska, kuna sii jeeda Hiiraan
    • Xiisad dagaal oo ka taagan Baydhabo, ciidamo taabacsan Laftagareen oo magaalada…
    • Ugaas Yuusuf oo helay ciidamo cusub, qorshihii dowladda ee Hiiraan oo wajahaya caqabad
    • Xasan Sheekh oo Xananbuure ku diyaarsaday ciidamo loo dirayo Beledweyne iyo Buuloburde
    • Villa Somalia oo wajahaysa go’doon diblomaasiyadeed? Mucaaradka oo tallaabo culus qaaday

    Subscribe to Updates

    Get the latest creative news from FooBar about art, design and business.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Latest News
    • About Us
    • Contact Us
    © 2026 banaadir24. Designed by banaadir24.

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.

    Sign In or Register

    Welcome Back!

    Login to your account below.

    Lost password?
    %d