LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ku dhawaad 50 ka tirsan Al-Shabaab oo Hal Goob lagu dilay & wararkii ugu dambeeyay

Ciidamada Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo kaashanaya Ciidamada Daraawiishta Jubbaland ayaa maalmahii lasoo dhaafay guulo waa weyn ka gaaray howlgallo ay ka fulinayaan deegaano ka tirsan gobollada Jubada Hoose iyo Jubada Dhexe.

Howlgalladan ayaa si gaar ah uga dhacay deegaanada kala ah, Qalley, Qalaawiley Qumbi, Weel-marow, Caano-Booro iyo Farshabeel oo ka tirsan gobolka Jubada Hoose, iyo sidoo kale Guduudey, Bilisa iyo Hargaysa-Yareey oo ka tirsan gobolka Jubada Dhexe.

Inta uu socday howlgalka, Ciidamadu waxay dileen 43 xubnood oo ka tirsan Al-Shabaab, halka 27 kale ay ku dhaawaceen, kuwaas oo isugu jira Saraakiil iyo Xubno kale, Ciidamadu waxay howlgalka ku soo qabteen hub noocyo kala duwan ah oo ay Al-Shabaab isticmaalayeen, sida ay Warbaahinta u sheegeen Saraakiisha Ciidamada Jubbaland.

Howlgalladan ayaa weli socda, iyadoo Ciidamada Dowladda Jubaland iyo kuwa Xoogga dalks ay sii wadaan dadaallada lagu xaqiijinayo amniga iyo xasiloonida deegaanada laga howlgalayo, waxaana howlgallada qeyb ka ah Saxiibada Caalamiga ah ee Ciidamada Jubaland iyo xoogga dalka ka tageeraya sidii loo wiiqi lahaa awooda Al-Shabaab.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *