DUNIDAWARARKA

Dal Yurub Ah Oo Hakiyay Iskaashi Militari Oo Kala Dhexeeyay Israel

Ra’iisul Wasaare Giorgia Meloni ayaa shaacisay in dowladda Talyaaniga aysan dib u cusbooneysiin doonin heshiiska difaaca ee kala dhexeeya Israel.

Meloni ayaa sheegtay in xukuumaddeedu ay go’aansatay in la hakiyo cusbooneysiinta heshiiskan oo la sameeyo shantii sanaba mar, iyadoo ku sababeeysay “xaaladda hadda jirta”, balse faahfaahin dheeraad ah kama bixin.

Xiriirka u dhexeeya Rome iyo Tel Aviv oo hore u ahaa mid adag ayaa waayadan dambe xumaaday. Toddobaadkii hore, Talyaaniga ayaa u yeeray safiirka Israel ee Rome kaddib markii rasaas digniin ah ay ciidamada Israel ku fureen kolonyo ka tirsan ciidanka nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Talyaaniga ee ku sugan Lubnaan. Rasaastaasi waxay waxyeello u geysatay hal gaari, balse wax dhaawac ah lama soo sheegin.

Dhanka kale, Isniintii, Israel ayaa iyaduna u yeertay safiirka Talyaaniga si ay uga cabato hadallo uu jeediyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Talyaaniga Antonio Tajani, kaas oo cambaareeyay “weerarro aan la aqbali karin” oo lala beegsaday rayid ku sugan Lubnaan.

Saraakiil ka tirsan Wasaaradda Difaaca Talyaaniga ayaa sheegay in wali la baarayo sida go’aanka dowladda uu u saameyn doono dhinacyada sharci iyo dhaqan ee iskaashiga militari ee kala dhexeeya Israel.

Talyaaniga ayaa lagu tilmaamaa dalka saddexaad ee ugu weyn ee hubka u dhoofiya Israel, sida ay muujinayaan tirokoobyo ay soo saartay hay’ad caalami ah. Si kastaba, dhoofintaas waxay ka dhigan tahay kaliya 1.3% hubka ay Israel soo dhoofsato intii u dhaxeysay 2021 ilaa 2025, iyadoo Mareykanka iyo Jarmalka ay yihiin kuwa ugu waaweyn ee hubka siiya.

Dhowr waddan oo Yurub ah ayaa hakiyay ama xaddiday dhoofinta hubka ay u diraan Israel intii ay socotay howlgallada militari ee Gaza.

Weerarradaasi waxay ka dambeeyeen duullaan ay hoggaaminayeen Xamaas oo ka dhacay Israel 7-dii Oktoobar 2023, kaas oo sababay dhimashada ku dhawaad 1,200 qof, halka 251 kalena lagu afduubtay Gaza.

Sida ay sheegtay wasaaradda caafimaadka Gaza ee ay maamusho Xamaas, in ka badan 72,330 qof ayaa ku dhintay duqeymaha militari ee Israel, oo ay ku jiraan 757 qof oo la dilay tan iyo markii la gaaray xabbad joojin 10-kii Oktoobar 2025.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *