Dowladda Soomaaliya oo ku hanjabtay inay xanibaad kusoo rogeyso Marinka Baabul Mandab hadii Israa’iil…

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Itoobiya ambassador Cabdullaahi Warfaa ayaa si adag uga hadlay faragelin kasta oo lagu sameeyo arrimaha gudaha Soomaaliya, isagoo xusay in tallaabooyin culus laga qaadi doono cid kasta oo ku xadgudubta madaxbannaanida iyo midnimada dhuleed ee dalka.
Safiirka ayaa sheegay in dal kasta oo isku daya inuu farageliyo arrimaha gudaha Soomaaliya ama wax u dhimi karo madax-bannaanida iyo wadajirka dhuleed ee dalka uu wajihi doono cawaaqib adag, oo ay ku jiraan xayiraado suurtagal ah oo lagu soo rogo marin u helidda marin-biyoodka istiraatiijiga ah ee Bab-el-Mandeb.
Wuxuu carrabka ku adkeeyay in Soomaaliya ay si buuxda uga go’an tahay ilaalinta qaranimadeeda iyo ka hortagga faragelin kasta oo dibadeed, isaga oo ugu baaqay beesha caalamka in ay ixtiraamaan madax-bannaanida dalka.
Hadalka Safiirka ayaa imaanaya xilli ay sii kordhayaan walaacyada la xiriira faragelinta arrimaha gudaha Soomaaliya kadib markii Israa’iil ay dal u aqoonsatay Somaliland islamarkaana safiir ay usoo magacaawday, iyadoo dowladda Federaalka ay marar badan ku celcelisay muhiimadda ay leedahay ilaalinta midnimada iyo xasiloonida dalka.









