LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Xog Cusub: Mucaaradka oo wajahaya xarig iyo hub ka qaadis

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay wado dadaallo lagu cabsi gelinayo xubnaha mucaaradka ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo la qorsheynayo tallaabooyin sharci iyo amni oo ka dhan ah qaar kamid ah siyaasiyiinta.

Ilo xog ogaal ah ayaa tilmaamaya in la diyaarinayo go’aanno ay ku jiraan waaranno qabasho, kuwaas oo lagu beegsanayo xubno gaar ah oo mucaarad ah. Sidoo kale, waxaa la sheegay in qaar kamid ah siyaasiyiinta laga yaabo in lagala laabto ciidamada ilaalada u ah, iyadoo lagu eedeynayo inay haystaan hub sharci darro ah oo aan ka diiwaan gashaneyn hay’adaha amniga.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli bilihii u dambeeyey laga qaaday gaadiid dagaal oo ay lahaayeen qaar kamid ah mucaaradka, taasoo loo arkay bilowga cadaadis sii kordhaya oo lagu hayo kooxaha ka aragti duwan dowladda.

Wararka ayaa intaas ku daraya in qorshahan uu qeyb ka yahay dadaal uu hoggaaminayo Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, si loo adkeeyo amniga loona xakameeyo dhaqdhaqaaqyada siyaasadeed ka hor taariikhda 15-ka May.

Waxaa sidoo kale la sheegay in laga fakarayo in la mamnuuco isku imaatinnada siyaasadeed, si looga hortago abaabul ay sameeyaan xubnaha mucaaradka, gaar ahaan kuwa la xiriira madasha Samatabixinta.

Ilaa iyo hadda, ma jiro war rasmi ah oo ka soo baxay Dowladda Federaalka oo arrimahan si cad u xaqiijinaya, hase yeeshee xaaladda siyaasadeed ee dalka ayaa u muuqata mid kacsan.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *