Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo si kulul uga hadlay dhul boobka Dowladda ay ku heyso shacabka Muqdisho

Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame oo kimda xildhibaanda Golaha Shacabka ayaa si adag uga hadlay dhul boobka ay dowladda madaxweyne Xasan Sheekh ku heyso shacabka Soomaaliyeed.
Xildhibaanka ayaa si adag u cambaareeyay dhul boobka iyo tacadiyada ka dhanka ah shacabka ku nool magaalada Muqdisho iyo u awood sheegashada shacabka iyadoo la isticmaalayo awood ciidan.
Hoos ka akhriso qoraalka Xildhibaanka:-
Waxaan si adag u cambaareynayaa dhulboobka, barakicinta qasabka ah, iyo tacaddiyada maalinlaha ah ee lagu hayo shacabka magaalada Muqdisho, oo ay maanta ugu dambeysay degmada Deyniile. Xadgudubkan waa mid si weyn uga dhan ah karaamada aadanaha, sharciga, iyo xuquuqda muwaadiniinta. Isticmaalka awood ciidan oo lagu cabburinayo bulshada nugul ma aha dowladnimo ee waa dulmi cad.
Caddaalad-darradii bilowgeedii laga aamusay ayaa maanta isu beddeshay dulmi saameeyey guri kasta oo reer Muqdisho ah si toos ah ama si dadban.
Waxaa la joogaa xilligii aan iska kaashan lahayn ka hortagga dulmiga, boobka, iyo gaboodfalka taliska Hassan Sheikh Mohamud ee muddo-xileedkiisu gabaabsiga yahay.
Nabaddu ma aha in aysan amni-darro jirin ee waa in aysan caddaaladdi jirin. Inta caddaaladi jirin nabad iyo amni ma jirayaan.









