LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Ciidanka Xoogga Dalka oo Gurmad Raashin ah Gaarsiiyay Dadka Abaartu Saameysay

Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa gurmad raashin ah gaarsiiyay bulshada ay abaartu saameysay ee ku nool deegaanno hoostaga degmada Raaga Ceelle ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Howlgalkan gargaarka ah ayaa waxaa fuliyay Ururka 195-aad ee Guutada 19-aad Kumaandooska Gor Gor, iyagoo ka jawaabaya xaaladda adag ee ka dhalatay abaarta ka jirta deegaannadaasi.

Gurmadkan ayaa lagu sheegay mid lagu fuliyay amarka Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, iyadoo ujeedkiisu yahay in gargaar degdeg ah la gaarsiiyo qoysaska ay saameeyeen biyo la’aanta iyo cunno yarida.

Mas’uuliyiinta hoggaamineysa howlgalka ayaa tilmaamay in ciidanku ay sii wadi doonaan taageerada ay la garab taagan yihiin shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan xilliyada adag ee ay abaartu saameyso nolosha bulshada.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *