LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

Iska Horimaad Sababay Dhimasho Oo Ka Dhacay Magaalada Gaalkacyo

Wararka laga helayo saraakiil iyo ilo wareedyo kala duwan ayaa sheegaya in iska horimaad uu  dhex maray xubno ka tirsan ciidanka booliiska sida gaarka ah u tababaran ee Puntland iyo askar ka tirsan kuwa Daraawiishta.

Sida lagu soo warramayo, qaar ka mid ah askarta Daraawiishta oo ka howlgalayay deegaanka Biyokulule ee u dhow magaalada Boosaaso ayaa la baxsaday hub iyagoo markii dambe gaaray magaalada Gaalkacyo. Kadibna waxaa loo diray askar kale oo ka tirsan ciidanka Booliiska Puntland si ay u soo qabtaan.

Ciidamadii hubka la baxsaday ayaa wadada u galay ciidamadii ka tirsanaa Booliiska Puntland ee loo diray inay iyaga soo qabtaan iyadoo uu dhex maray iska hor imaad sababay dhimasho.

Wararku waxay intaasi ku darayaan in iska hor imaadka ay ku dhinteen laba askari oo ka kala tirsanaa ciidamada Booliiska Puntland iyo kuwa Daraawiishta. Ciidamo ka tirsan booliiska gobolka oo markii dambe gaaray goobta ayaa gacanta ku dhigay qaar kamida askartii Daraawiishta ee ku lug lahaa dhacdada.

Ma jiraan wax warar ah oo kasoo baxay saraakiisha ammaanka Puntland oo ay uga hadlayaan dhacdadaan sababtay dhimashada labada askari.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *