Dhallinyaro Wali U Xiran Dowladda Federaalka & Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka hadlay

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa wali waxaa u xiran saddex dhallinyaro ah kuwaas oo xabsiga la dhigay kadib markii ay dhaliileen dowladda federaalka Soomaaliya iyo madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.
Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa mar kale ka hadlay xarigooda isagoo sheegay in dowladdu ay afduub ku heysato saddexdaas dhallinyarada ah.
Hoos ka akhriso qoraalka Cabdiraxmaan C/Shakuur:-
Waxaa si sharcidarro ah weli ugu afduuban taliska waqtigiisu dhammaanayo ee Madaxweyne Xasan Sheekh dhallinyarada kala ah; Sacdiyo Macalin Cali, Najiib Cali Cosoble iyo Sharmarke Maxamed Axmad.
Dhallinyaradan oo ka hadlay caddaaladdarrada, musuqmaasuqa, eexda, iyo sadbursiga ayaa la isugu daray hanjabaad, cabburin iyo xabsi.
Taliska nugul ee waqtigiisu gabaabsiga yahay wuxuusan ogayn in qof la xiri karo, balse aanan caradiisa la xabbisi karin, in loo hanjabi karo, laakiin aan dareenkiisa la cabburin karin. Wuxuuse kaloo ogayn in cod kasta oo la aamusiyo uu dhalo nacayb, iyo cadaawad daran oo isu ururta taasoo keenta qarax aan la malaysan karin, maalintaasna ma jiri doonto sheeko, iyo dacaayad joojin karta hirka soo baxay.
Waxaan dalbanaynaa in degdeg loo soo daayo dhallinyaradaas, xorriyadoodana dib loogu soo celiyo.
Sida keli ah ee ay dhallinyaradu awood muuqata ku noqon karaan, aayaha dalkana saami ugu yeelan karaan waa in ay tamartooda, aqoontooda, iyo waqtigooda ku mideeyaan abaabul iyo iskuxirnaan.









