DUNIDAWARARKA

Iran oo mar kale xirtay Marinka Hormuz kadib markii Trump uu sheegay in…

Taliska militariga ee dalka Iran ayaa Sabtidii ku dhawaaqay in mar kale la xiray marin-biyoodka istaraatiijiga ah ee Hormuz, kadib markii Mareykanka uu sheegay in dib u furista marin-biyoodkaasi aysan joojin doonin cunaqabateynta badda ee saaran Iiraan, sida ay werisay wakaaladda wararka Iran ee Tasnim.

Iiraan ayaa Jimcihii hore shaacisay inay dib u furtay marin biyoodkaasi si maraakiibta ganacsigu u isticmaalaan inta lagu guda jiro xabbad-joojin socota. Hase yeeshee, Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa sheegay in Washington ay sii wadi doonto cunaqabateynta badda ee dekedaha Iiraan ilaa laga gaarayo heshiis kama dambeys ah oo lagu soo afjarayo dagaalka.

Marin-biyoodka Hormuz, oo u dhexeeya Iiraan iyo dalka Oman, ayaa ka mid ah marinada ugu muhiimsan ee caalamka looga gudbiyo shidaalka iyo gaaska dabiiciga ah.

Qiyaastii shan meelood meel (1/5) sahayda shidaalka iyo gaaska LNG ee dunida ayaa si joogto ah uga gudba marinkan.

Khilaafka ka taagan marin-biyoodkaasi iyo hubanti la’aanta ku saabsan xaaladdiisa ayaa cadaadis xooggan saaray suuqyada tamarta caalamka. Qiimaha saliidda Brent, oo ka ag dhowaa $70 halkii foosto ka hor dagaalka, ayaa kor u kacay ilaa ku dhowaad $120 bishii Maarso. Inkastoo uu hoos ugu dhacay wax ka yar $90 kadib markii Iiraan ku dhawaaqday dib u furista, haddana xayiraadaha cusub ayaa mar kale sare u qaadi kara walaaca laga qabo sahayda.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *