Hirshabeelle oo ka hadashay ciidamada ay dowladda geysay Jowhar

Wasiirka Amniga Dowlad Goboleedka Hirshabeelle, Maxamed Cabdiraxmaan Khayre, ayaa si adag u beeniyay warar lagu faafiyay baraha bulshada oo sheegaya in ciidamo and qorshe gaar ah loo geeyay magaalada Jowhar.
Wasiirka ayaa sheegay in wararkaasi ay yihiin kuwo aan sal iyo raad toona lahayn, isla markaana aan waxba ka jirin.
“Wararka lagu faafiyay baraha bulshada waa waxba kama jiraan,” ayuu yiri Wasiirka Amniga.
Waxa uu intaas ku daray in ciidamada maanta gaaray Jowhar ay yihiin kuwo loo diray howlgallo amni lagu xaqiijinayo, isla markaana lagu ciribtirayo kooxaha uu ku tilmaamay Khawaarijta.
Sidoo kale, Wasiirku wuxuu carrabka ku adkeeyay in Dowlad goboleedka Hirshabeelle iyo Dowladda Federaalka Soomaaliya ay si buuxda uga mideysan yihiin dadaallada lagu xoojinayo amniga, ayna si wadajir ah uga shaqeynayaan xasilloonida iyo nabadda dalka.
Hadalka Wasiirka ayaa imanaya xilli dowladda federaalka ay ciidamo cusub geysay magaalada Jowhar kuwaas oo loogu talagalay kahortagga iyo dhaqdhaqaaqyada ciidamo taabacsan mucaaradka ay ka wadaan deegaano ka tirsan Hirshabeelle.









