LATEST NEWSLOCAL NEWSWARARKA

DFS oo dajisay qorshe looga hortagayo Mucaaradka & Ciidamo xoogan oo la geeyay…

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa qaaday tallaabooyin adag, iyadoo la xiray qaar ka mid ah isgoysyada iyo jidadka muhiimka ah ee laga soo galo caasimadda Muqdisho, si loo xakameeyo dhaqdhaqaaqa gaadiidka hubeysan ee ka imaan kara gobollada Shabeellooyinka.

Ciidamadii hore ugu sugnaa isgoysyada laga soo galo magaalada Muqdisho ayaa lagu xoojiyay ciidamo dheeraad ah iyadoo qaar kamida isgosysyadaas ay ku suganyihiin ciidamada Kumaandooska Gorgor.

Ilo amni ayaa sheegay in qorshahan uu yahay mid lagu doonayo in lagu joojiyo gaadiid kasta oo laga shakiyo, isla markaana si dhow loola socdo dhaq-dhaqaaqyada laga cabsi qabo inay halis geliyaan amniga magaalada.

Tallaabooyinkan ayaa kusoo beegmaya xilli uu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, toddobaadyo kahor amar ku bixiyay in hubka laga qaado xubnaha ciidamada ee lagu tuhunsan yahay inay xiriir la leeyihiin siyaasiyiinta mucaaradka ah ee kasoo horjeeda in madaxweynaha uu dheereysto muddo xileedka.

Sidoo kale, amarka Madaxweynaha ayaa tilmaamay in awoodda iyo dhaqdhaqaaqa ciidamadaas la xaddido, si looga hortago khatar kasta oo ka iman karta gudaha hay’adaha ammaanka.

Go’aamadan ayaa muujinaya sida ay madaxweynaha jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud uga go’anyahay inuu ku darsado muddo xileed dheeraad ah xilli mudada sharciga ah ee xil heyhtiisa ay ka harsantahay wax ka yar 30 maalmood.

Siyaasiyiinta mucaaradka ah ayaa dhankooda wada qeylo dhaan iyo qorsheyaal ay uga hortagayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh ku darsado sanad dheeraad ah oo aanan sharci ahayn balse Madaxweynaha ayaa u muuqda inuusan dhag jalaq u siineyn siyaasiyiintaas.

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *